Saturday, March 26, 2016

Caafimaadka Qumbaha.



Waxaan maanta ka hadlaynaa geed aad u cajiib badan, waana geedka Qumbaha.
Qumbaha waxaa la sheegaa waxyaabo badan oo caafimaad ah in laga helo, laakiin waxaan qoraalkaan ku soo qaadan doonnaa 7 faa'ido oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay, waana kuwaan:
  • Qumbaha waxaa ka buuxo saliid caafimaadka u roon, boqolkiiba 90% saliidaas waxay ka samaysan tahay waxa loo yaqaano "Fatty acid", saliidda ka samaysan walxahaan faa'ido ayaa ugu jirto bini'aadanka, maxaayeelay unugayda jirka oo idil waxaa laga sameeyaa badankood maadadaan "Fatty acid-ka", dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa ama la kala saaraa, laakiin dufanka qumbaha markii jirka uu galo, waxaa toos loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo, markii dufanka qumbaha tamar ahaan loo keydiyo waxay daawo u tahay cudurka laleemada, akhriso qoraal ku saabsan cudurka laleemada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2393.0.html
  • Waxaa jira qabiillo daga qeyb ka mid ah wadanka "New Zealand", oo loo yaqaano "Tokelauans", cilmibaaris lagu sameeyay qawmiyadaas waxaa la ogaaday in aananba lagu arkin xanuunka wadna qabadka ama "heart attack" kaasoo ka yimaado xidada wadnaha oo xirmo, sababtuna waxay tahay in cunnada ay cunaan boqolkiiba 60% waa geedka qumbaha.
    Waxaa kaloo diraasadaan sii xoojisay cilmibaaris lagu sameeyay qabiil kale oo daga "Papua New Guinea" oo loo yaqaano "Kitavans" iyagane laguma arag wax wadna xanuun ama stroke qabo, sababtuna waa geedka qumbaha, sidaas awgeed cunista qumbaha oo la badsado wuxuu nadiifiyaa marinnada dhiigga si uuga hortago xinjir ku guntanto ama dufan xirto, sidaasne wuxuu yareeyaa halista wadna qabadka iyo cudurka stroke-ga, akhriso qoraal ku saabsan cudurka Stroke: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3552.0.html
  • Qumbaha wuxuu ka mid yahay geedaha fara ku tiriska ah ee baruurta gubo, sidaasne ku yareeyo cayilka, waxaa jirta diraaso ku talisay in haddii la qaato 15 illaa 30 gram oo qumbo maalintii in ay gubayso 120 kalari oo jirka ka mid ah, haddii aad rabtid in aad baruurta iska ridid, ku dadaal cunista qumbaha, adigoo ka fogaado daawooyinka waxyeellada badan oo la sheego in cayilka lagu yareeyo, akhriso qoraal ku saabsan daawooyinkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6319.0.html
  • Qumbaha waxaa ku jiro aashito loo yaqaano "Lauric Acid" aashitadaan ama dheecaankaan wuxuu awood eebe u siiyay inuu dilo jeermiska noocyadiisa kala duwan sida bakteeriyada, fayraska iyo fangaska. jeermisyada ay maadadaan disho waxaa ka mid ah bakteeriyo khatar badan oo loo yaqaano "Staphylococcus Aureus", sidaas daraadeed dadka uu ku soo laalaabto cudurka kasoobaxa ama nabraha caabuq leh ee maqaarka ka soo baxo waa in ay badsadaan cunista qumbaha, akhriso qoraal ku saabsan cudurka Kasoobaxa:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1163.0.html
  • Qumbaha wuxuu kobciyaa dhambaallada maskaxda wuxuuna yareeyaa halista qallalka, sidaas daraadeed dadka qaba cudurka qallalka wuxuu qumbaha ka caawin karaa inuu yareeyo qallalka iyo dhicista, waxaana arrintaa lagu arkay cilmibaaris lagu sameeyay caruur qabtay cudurka qallalka oo cunno looga dhigay geedka qumbaha, caruurtaas waxaa ka mid ahaa kuwo daawada xittaa ay kontaroolli waysay qallalka, akhriso qoraal ku saabsan cudurka qallalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html
  • Sida aan kor ku soo xusay, qumbaha wuxuu yareeyaa halista cudurka kolestaroolka ama dufanka dhiigga, kaasoo dowr weyn ka ciyaaro in xididada wadnahay ay xirmaan khaas ahaan dadka qabo cudurka macaanka, akhriso qoraal ku saabsan cudurka kolestaroolka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1461.0.html
  • Saliidda qumbaha waxay faa'ido badan u leedahay tinta, akhriso qoraal aan uga hadalnay arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6463.0.html

Ilaahay naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu daawada noo galiyay cunnadeena, laakiin haddii aan khilaafno arrintaas oo aan ku tiirsannaano cunanda ay warshaduhu sameeyaan, taasi waxaa ka dhasha cudurro badan oo halis ah oo uu caalamka maanta xal u la' yahay, noqo qof ku dadaalo cuunada dbiiciga ah, ka fogow waxyaabah gasacadaysan, noqo qofka firfircoon oo jimicsi sameeyo, iskana ilaali in aad balwad maandooriye yeelatid sida jaadka, sigaarka iyo waxyaabaha kaleba.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Friday, March 25, 2016

Dhibaatada Dhafarka habeenkii.





Dhafarka iyo hurdo la'aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan.
Maadaama caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii isku mid noqdeen xaga dhaqdhaqaaqa waxaa aad u soo baxay dhibaatooyin badan oo la xiriirta hurdo la'aanta ama dhafarka habeenkii taasoo na dareensiineysa ahmiyada hurdada iyo faa'idooyinka caafimaad ay hurdadu wadato.

Dhafarka habeenkii waa wax khilaafsan sunnadii eebe ugu tala galay bini'aadanka, eebe wuxuu quraankiisa ku xusay dhowr meel in habeenkii loogu talagalay daganaan iyo hurdo, maalintiina nolol iyo dhaqdhaqaaqa, qofka bini'aadankane labaduba uusan ka maarmi karin.

Fikrada khaldan ay dadku qaar aaminsan yihin ayaa ah, haduu qofka habeenkii soo jeedo, maalintiina uu hurdo in ay ku filan tahay oo uu faa'idadii hurdada helay.
Taasi sax ma ahan, diraasado badanne waa laga diyaariyay arrintaas, waxaa la arkay in qofka biniaadanka jirkiisu uusan isku si u shaqaynin habeenkii iyo maalintii, habeenkii maadaama loogu tala galay nasinada iyo hurdada, unugyo badan oo jirka ka tirsan waxaa eebe uu ku programiyaya in ay shaqada yareeyaan ama hakiyaan iyo xubnaha qaar ay yareeyaan wax soo saarkooda sida qanjirrada soo daayo hormoonada iyo dheecaanada jirka uu u baahan yahaya, maalintiina waa caksi oo qeybo badan oo nasanayay habeenkii ayaa la howl galiyaa habeenkii, sidaas awgeed hurdada maalintii ma gudi karto midda habeenkii.

Dadka habeenkii shaqeeyo ama dhafro waxay la kulmaan dhibaatooyin ka dhashay culeys saarista jirkooda oo u baahnaan lahaa xilli nasasho tanne waxay dhalisaa dhibaato dhowr, waxaana ka mid ah:
  • Hurdadu waxay kobcisaa difaaca jirka waxay awood dheeraad ah iyo firfircooni siisaa unugyada jirkeeda ee eebe ugu tala galay inay ka hortagaan waxyaabaha jeermiska ah, sidaas awgeed dhafarka iyo hurdo la'aanta joogtada ah waxay keentaa in qofka jirkiisu uu iska difaaci kari waayo xanuunada.
  • Hurdadu waxay yareysaa miisaanka qofka, dhafarkuna wuxuu keenaa cayil, waxay cilmibaarayaashu arkeen in dadka dhafro in ay boqolkiiba 30% ay kaga halis badan yihiin cayilka dadka hurdada helo, taasna waxaa lala xiriiriyay in hurdo yarida ay yareyso maado la yiraahdo "leptin" taasoo qofka dheregta dareensiiso waxuu kaloo dhefarka kordhiyaa maadada loo yaqaano "Gherlin" oo ah hormoonka dareensiiyo gaajada.
  • Hurdadu waxay kordhisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka dhafra wuxuu dareemaa subaxii daganaansho la'aan iyo inuu si sahlan ku xanaaqi karo maadaama dareemadiisu ay kacsan yihiin oo habeenkii dhan shaqo ku jireen, hadduu qofka dhafarkaas u barto waxay keentaa niyad jab, diiqo iyo welwel, diraasadl lagu sameeyay dadka laga daaweeyo diiqada in ay badakood helin hurdo ku filan ama ay ku bada ntahay dhafarka.
  • Hurdadu waxay ka hortagtaa Sonkorta iyo Kaadi macaanka, waxaa la arkay dadka dhafra inay halis ugu jiraan cudurka macaanka noociisa 2-aad taasoo ka dhalaysa wareer ku yimaada qaabka jirka uu u xakameeyo ama u kontaroolo sonkorta cuntada laga helo.
  • Dhafarka wuxuu yareeyaa hamiga kacsiaga qofka, waxaa la arkaa dadka dhafra inay ka hami yaryihiin dadka hela hurdada habeenkii
  • Dhafarka muddada dheer ah wuxuu keenaa in wadna garaaca uu siyaado, taasina waxay keentaa in cadaadiska dhiiga uu bato tanoo culeys saari karto wadnaha, sidaas awgeed wuxuu qofka dhafraa halis ugu jiri karaa xanuunada wadnaha ku dhaco.
  • Dhafarka wuxuu raga iyo dumarkaba si iskugu mid ah u yareeyaa hormoonada u xilsaaran tarmidda iyo uureynta, hadduu dhafarkaas joogto noqdane waxay dhakhaatiirtu ka digaan in qofka madhalaysnimo ay u keento taasoo ka dhalatay khalkhal galay hormoonadaas.

Talooyin:
1- Haddii aad ka mid tahay dadka dhafro in aad ku dadaashid sidii aad u heli lahayd hurdo kugu filan habeenkii adigoo ka fogaada waxyaabaha dhafarka kuu keeni kara.
Waxaa laga yaabaa in aad aamisan tahay in aad u baaha ntahay saacado kooban oo hurdo, in aad dhafri karto, subaxiina aad shaqadaada aadi kartid.
Ogow taasi waa dhibaato aad ku haysid jirkaaga oo dhici karto waqti dambe in ay kaa soo baxdo.
2- Haddii aad shaqaysid habeenkii, ku dadaal in aadan joogto ka dhigan shaqadaas, waxaadna awood sharci ah u leedahay in shaqo habeen si joogto ah laguugu qori karin iyadoo ay suura gal tahay in aad maalintii shaqeyso ama aad is badashaan dadka kale ee aad isla shaqeysaan.
3- Haddii aad tahay dadka dhafro ka fogow waxyaabaha keeni karo in hurdada kaa fogeeyaan sida kaffeeyga iyo cabitaanada laga helo energy-ga, tani waa dhibaato lagu daray dhibaatadii dhafarka, waxaad jirkaaga saaraysaa culeys dheeraad, waxay la mid tahay adigoo baabur matoorkiisa kululaaday aad rabtid in aad sii waddo oo aad sii sheellarayso!.
Iska ilaali in aad maandooriye ku darto dhafarka sida qaadka iyo waxyaabo kale oo sidooda halis ugu keeno jirka.
4- Dhakhatiirtu waxay sheegaan in hurdada la qallayn karo oo wixii dhafarka uu gaarsiiyay jirkaaga in la yarayn karo usbuucyo illaa bilooyin gudahooda, dhibaatada iyo dhaawaca jirka gaaray waxay ku xiran tahay mudada dhafarka iyo nooca shaqada ee lagu dhafray, kullamaa qofka shaqada uu habeenkii uu qabto ay badan tahay ama u baahan tahay in jirka iyo maskaxda aad looga shaqeysiiyo kullamaa dhibaatadu ay badan tahay ama ay soo degdag ogtahay.
Waxay lagula taliyaa qofka rabo inuu ka hortago ama yareeyo dhibaatada dhafarka mudda uu ku soo jiray in uu saacado dheeri ah uu hurdo habeenkii, huradadaaso oo ah mid aan buuq lahayn, waxaa lagula taliyaa in qofka uu 10 saac oo hurdo joogto ah uu helo si uu u so gudo deyntii hurdada lagu lahaa.
5- Haddii aad ka mid tahay dadka ku dhafra isticmaalka internetka ama daawashada filimaanta, ka fakar mustaqbalka caafimaadkaaga, iskana jooji caadadaas oo haddii aad muddo dheer aad wadid kuu keeni karta dhibaatooyinka kor ku xusan.
6- Xanuunada laga dhaxlo khilaafista sunada nolosha ee eebe waxay ku tusinayaa in jirka bini'aadanka loogu talagalay si kontorool leh inuu u noolaado, hadduu caksigeeda uu sameeyane wuxuu ka dhaxlaa dhibaatooyin aadan waqtigaas dareemi karin.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html

http://somalidoc.com

Thursday, March 24, 2016

Halkaan kabaro sida la iskaga daweeyo Dhabar xanuunka.



Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka, waxaa dareema 4 ilaa shan qofo boqolkiiba. Inta badan waxuu xanuunka ku dhamaadaa dhowr maalmood ilaa iyo dhoor toddobaad, laakin mar marka qaarkood waxuu qaadan karaa waqti dheer waana soo noqonoqdaa. 

Waxuu xanuunka dhabarka ku imaan karaa si degdeg ah waxuuna ahaan karaa mid aad u daran ama waxuu u imaan karaa xoogaa-xooga intii waqti ah waxuuna keeni karaa dhibaatooyin waqti dheer (joogto ah).

Dhinaca hoose ee dhabarka, waxuu ka samaysan yahay 5 xaroor ama ricirro ee loo yaqaan sida L1 to L5. Waxuu sidaa culayska oo dhan ee dhinaca kore ee jirka, waxuuna yahay mid ku jiro hawl aan kala go’ lahayn gaar ahaan markii la rogmanaayo, la jeesanayo iyo markii wax la qaadaayo.

Haddii wax yar oo dhaawac ah gaaro wax kasto ka mid ah dhismaha dhabarka inuu keeni karo xanuun aad u badan iyo raaxo la’aan. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waa astaanta inuu jiro dhaawac seedaha, murqaha ama saxuunta (carjawada u dhaxayso labada lafood).

Inta badan dhabarka isagaa is-raysiiyo laakin haddii aad u darran yahay uuna yahay joogto waxaa laga maarmaan ah in la doonto talo caafimaad si loo ogaado xanuunka waxa keenay loona helo daawayn ku habboon.

Sababaha
Inta badan dhabar xanuunka hoose waxaa loogu yeeraay sida ‘ mid aan lahayn meel gaar u ah’ sababtoo ah inuu keenay dhaawac ama cudur aan aad u darnayn, laakin way keeneen laabniin, murqaha oo aadkaadaan, dhaawacyo yar-yar ama jirka oo meel qabsaday ama neerfaha oo wax yar gaaray. Waxaa kale uu ku dhici karaa markii uu jiro uur, ama sabab murugo leh, bukasho, kilyo xanuunka ama hurdo xumi.

Waxaa dhabar xanuunka keeni karo waxqabad maalmeedka sida: si xun u fooraarsi, wax qaadis, wax dhaqdhaqaajin, qunfacid, hindhisid, murqaha oo isgalaan, jirka oo isgalo ama wadidda gaariga oo waqti dheer qaadato iyada oo marna la joojin. Shilalka guriga, shaqada, ama markii la wado gaariga ( oo ku jiro dhaawaca qoorta ) waxayna yihiin sababaha guud.

Qaabka ugu caansan ee dhabar xanuunka daran waxaa keeno bararka ama murqacashada mid ama ka badan ee saxuunta ku dhex jirto xaroorka ama ricirrada oo keenayo in ay cadaadis saaraan neerfaha.

Waxaa xaaladaan loo yaqaanaa saxanka taranturooday "disc prolapse"  laakin waxaa si aad ah oo sax ah loo tilmaamaa inuu
yahay saxan booskiisa ka durqay ama ka sikaday. wuxuuna keeni karaa xanuun miskaha, cajiraha iyo lugta haddii saxankaa turonturooday uu cadaadis saaro neerfo dhabarka, akhriso qoraal aan uga hadlay xanuunka Sciatica: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html

Sida caadiga ah saxanka wuu gurmaa waxuuna la qayirmaa da’da. Ama waxuu daba socdaa dhaawaca sidaasi darteedna inay guud ahaan keenaan adeeg iyo xanuun, gaar ahaan aroorta hore una keenaan wayeelka lafo xanuun.

Waxaa kaloo dhabar xanuunka hoose keeno tiro kale oo xaalado ah sida cudurada lafaha, burooyinka, infekshanka haweenka khaasatan tubooyinka iyo caabuq kaadi mareenka.

Sidee loo baaraa dhabar xanuunka?
Markii laga shakisanyahay dhibaatooyinka saxuunta waxaa la sameeyaa x-ray, iskaanka tomogarafiyada ee la mariyay computer-ka (Skaanka CT ama Cat), ama iskaanka ee dhawaaqa birqabadka (MRI) ayaa lagu talin karaa si loo helo warar sax ah.

Sidee loo daaweeyaa dhabar xanuunka?
Waxa haatan lagu taliyo in lagu daaweeyo dhabar xanuunka waxuu yahay:
• Isticmaalka xunuun-dilayaasha;
• Sii wadidda waxqabadyada caadiga ah halka ay ka suurto gasho.
• Daawaynta osteopath-ka, chiropractor-ka, jir-jimciyaha, ama cirbad-durid adeegsadaha ee ah xirfadlayaal ayaa kaa caawin karaan, waxay kale ay daraasaadka muujiyeen in jimicsiga fudud uu waxtar leeyahay.
• Sii wad shaqada, ama si degdeg ah uga soo laabo haddii ay suurto gal tahay.
• Waxaa fiican inaad ku nasatid sariirta in aan ka badnayn labo maalin, in ka bdan waxay keeni kartaa waxtar xumo.
• Sameey layliga jimicsiga si loo xoojiyo murqaha iyo si loo simo dhinacyada.
• Isticmaal kuleel (warqad kulul ama qubays kulul) ka dib maalmo markii uu dabco xanuunka murqaha.

Hadduu xanuunku aad u daran yahay waxaa loo baahan karaa qalliin sida microdiscectomy, oo keenaayo in la dayacatiro meesha dhaawaca gaaray ama saxanka murqacday.

Ma laga hortagi karaa dhabar xanuunka?
Si uusan kuu qaban dhabar xanuunka waa inaad dhabarkaada ka ilaaliso waxyaabaha dhaawac u keeni karo, aadna sugtaa inuu dhabarkaada noqdo mid xoog iyo fudeed leh. Waxaa kale lagu dabaqayaa talada dhabar xanuunka joogtada ah, lehna dhacdooyinka soo noqnoqdo:
• Yareey culayska saa’idka ah,
• Sameey jimicsiga si aad u sii hagaajisid dhabarkaada iyo murqaha calooshaada,
• Marka aad fadhiisanaysid, dhabarkaagu ha toosnaado,
• Ku seexo sariir iyo joodari adag,
• Sax qaadista iyo gacan ku qabadka alaabaha, weecashada adkaynta iyo isgalka muruqa ee kediska ah,
• Isku day oo yareey murugada, lab-lakaca iyo kacsanaanta
• Sameey jimicsi joogto ah (socod ama dabaalasho waxay u fiican yahiin dhabar xanuunka).

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html
http://somalidoc.com

Monday, March 21, 2016

Maxaa Keeno Qufaca? Sideena loo daaweeyaa?



Qufaca waa falcelin alle ugu talagalay in lagu nadiifiyo marinnada hawada ee sambabka, taasoo looga soo saaro xabka, busta iyo waxyaabaha kale ee xasaasiyada keeno.

Qufaca badanaa waxaa loo kala qaybiyaa mid qallalan oo xaako ama candhuuf wadan iyo mid qoyan oo qofku wax tufayo, badanaa dhakhtarku wuxuu waydiiyaa qofka qufacayo nooca qufaciisa si loo kala sooco xanuunada keeno.
QUfaca qoyan badanaa waxuu astaan u yahay caabuq sambabka ah, xiiqda ama wadna xanuunka, qufaca qallalane wuxuu astaan badanaa u yahay xasaasiyadda, quumanka, hergabka iyo wixii la mid ah.
Qufaca qoyan wuu ka dhib badan yahay kan qallalan.

Waxaa kaloo qufaca loo kala qaybiyaa mid cusub oo soo booddo ah iyo mid muddo soo jiray, kan muddada soo jiray wuu ka dhib badan yahay kan kale, wuxuuna ka tarjumayaa inay jirto cillad raagtay sida tiibishada, xiiqda/neefta, sigaar cabista, laabjeexa iyo howlgabka wadnaha.

Sidee lagu ogaadaa qufaca halista ah?
Qufaca hadduu leeyahay dhiig ama neefsashadu ay ku dhibayso ama xanuun feeraha aad dareemayso waa in aad dhakhtar si degdeg ah ula xiriirtaa dhakhtar.

Waa maxay cudurrada keeno qufaca?
Cudurro badan ayaa keeni karo qufaca, laakiin waxaa ugu caansan kuwaan hoos ku xusan:

Sidee loo daaweeyaa qufaca?
Waxaa jiro daawooyin badan oo loogu talagalay in qufaca loo qaato, laakiin way kala duwan yihin, qaar waxaa loogu talagalay qufaca xasaasiyadda ah, qaar waxaa loogu talagalay qufaca xabka soo saari la', fadlan inta aadan daawo farmashiga ka soo gadan dhakhtar la tasho, maxaayeelay waxaa jiro qufacyada qaar looma qaadan karo sharoobooyinka qufaca lagu joojiyo.


Qufaxa wax ma u dhibaa kilyaha?
Qofka markuu aad u qufaco muddo dheer waxaa xanuuno feeraha hoostooda meesha kilyaha ku aadan, waxayna soomaalidu dhahdaa, saan u qufacayay ayaa kilyaha i xanuunay, arrintaasi waxay ku dhacdaa in qufaca joogtada ah uu cadaadis saaro murqaha ka korreeyo kilyaha, waana meesha jilcan ee feeraha hoostooda ku beegan ee dhinacyada u dhaw.

Murqahaas oo u adkaysan waayay qufaca siyaadada ah ayaa waxaa keeno xanuun sidii in wax lagugu mudayo oo kale, wuxuuna qofka aaminaa inay kilyuhu yihiin.

Qufaca iyo kilyaha xiriir kama dhaxeeyo, waxyaabaha dhaawaca gaarsiiyo kilyaha kama mid ahan qufaca, sidaas awgeed qufaco saamayn kuma lahan caafimaadka kilyaha iyo shaqadoodaba.

Marmarka qaar xanuunku waa siyaado uusan qofka la qufaci karin dartiis.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

Xajiinta, Cuncunka (Allergies)



Xajiintu ama Cuncuku waxay dhacdaa marka jirku uu jawaab ka celiyo shay. Tani waxaa laga yaabaa in ay keento dhibaato yar ilaa mid daran. Waxaa jira noocyo xajiin ah oo kala duwan. Kuwa ugu badan waxay kala yihiin:
#  Xajiin hawada ka dhalata sida faxalka, caaryada, dufta xayawaanka ama boorka
#  Xajiinta taabashada sida birta, dheeha ama kiimikooyinka
#  Xajiinta cuntada sida ukunta, looska, caanaha ama kaluunka shellfish
#  Xajiinta daawooyinka laga qaado

Xajiin lama daaweyn karo, laakiin daaweyntu waxay caawino ka geysan kartaa in aad roonaato.

Calaamadaha
Dadku waxay kala lahaan karaan calaamado kala duwan oo isku xajiin laga qaaday.
Nooc kasta oo xajiin ah wuxuu keeni karaa finiinicyo ama jirka oo casaada iyo feero caabuq ama dhibaato neefsashada ah.

Yuu ku badan yahay Allerjiga?
Xajiinta ama allerjiga wuxuu ku dhici karaa dad aad u badan laakiin waxaa jira dad xasaasiyadoodu sarayso oo afka qalaad lagu yiraahdo "Atopy" oo macnaheedu tahay qofka hidda socodkiisa ama dhaxalkiisa ayuu ku jiraa inuu xajiimoodo waxaana dadkaas ku badan cudurro badan oo xajiinta laga qaado sida: Neefta ama Xiiqda, Sanboorka, Cuncunka maqaarka ama Eczema iyo kuwa kalaba.
Haddii aad cudurradaas mid ka mid ah aad qabto kuwa kale way kuu sahlan yihiin inay kugu dhacaan.

Calaamadaha kale waxay ku xirnaan karaan sababta xajiinta.
Xajiin faxal, caaryada, dhogorta xayawaanka ama boorka
? Cun-cun leh, sanka oo dareeraya ama cabbur
? Cadaadis sanka fuula
? Hindhiso
? Indhaha oo cun-cun leh, guduuta, barara, hura oo biyo ka yimaadaan
? Cune cun-cun ama qufac
? Dheecaan fara badan
? Dhadhanka oo qofka ku yaraada ama wax urinta
? Madax xanuun

Xajiinta taabashada laga qaado
? Indhaha oo cun-cun leh, guduuta, barara, hura oo biyo ka yimaadaan
? Bararid

Xajiinta cuntada laga qaado
? Lalabbo ama matagid Calool xanuun ama casiraad
? Shuban
? Cun-cun leh, sanka oo dareeraya ama cabbur
? Cune cun-cun ama qufac
? Barar ku yimaada afka dhinacyadiisa ama wax liqidda oo dhib noqota
? Suuxid

Xajiinta daawada laga qaado
? Cun-cunka maqaarka ama indhaha
? Bararidda faruuryaha, carrabka ama wejiga
? Suuxid, caajis ama isku dhex yaac
? Wadne garaac deg-deg ah
? Lalabbo ama matagid
? Calool xanuun ama casiraad
? Shuban

Daryeelkaaga
Ka fogow waxyaabaha calaamadahaaga uga sii daraya. Baaritaan maqaarka ama dhiigga ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo si loo hubiyo xajiinta.
Waxaa laga yaabaa in aad u baahato daawooyin si lagaaga daaweeyo xajiinta.
Takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:
#  Saameyn liddi ah oo lama filaan ah oo daawada kaaga timid
#  Calaamadaha ka sii dara ama kaa celiya in aad hawlahaagii caadiga ahaa qabsatid
#  Qandho ka sarraysa 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah

http://somalidoc.com

Sunday, March 13, 2016

Baabasiirka waxaa loo daweyn karaa si toos ah, halkaan ka ogoow.


Baabasiirku Kaalmaati moyee mala bogsoon karaa? Muxuuse u dhibaa taranka ama dhalmada?
 Logged

   



 Su'aal: Baabasiirka ma laga bogsan karaa?

Baabasiirka waa xanuun laga bogsan karo, daaweyntiisuna waxay ku xiran tahay nooca ku hayo ama heerka uu gaarsiisan yahay, daawo iyo qalliin labadaba waa lagu daaweeyaa, fadlan halkaan ka akhriso qoraal faahfaahsan oo ka jawaabi doona su'aalo badan oo aad ka qabtid baabasiirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,891.0.html

Midda ku saabsan in Baabasiirka uu xiriir la leeyahay kacsi yarida, horay ayaa looga jawaabay ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2969.0.html

Haddii Baabasiirka uu la xiriiro dhalmo la'aanta iyadane waa laga jawaabay hadda ka hor ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4660.0.html

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com

Saturday, March 12, 2016

Wax badan ka-ogow Kansarka jadiinka ama hunguriga ku dhaca.



Waxaan jeclaystay maanta in aan ka hadlo xanuun aad u dhib badan una badan dadkeena soomaalida ah, khaas ahaan dadka daga gobollada dhexe, sababaha uu ugu badan yahayne aanan weli la diraasaynin.

Qoraal soo baxay sanadkii 2008-aad waxaa lagu sheegay in ay 415 qof oo iskugu jira rag iyo dumar ugu geeriyoodeen xanuunkaan sanadkaas kaliya, waana inta la ogyahay kaliya.

Waa xanuun ay aad u yaqaanaan takhaatiirta ka howlgasha isbitaallada wadanka ku yaalla, khaas ahaan kuwa ka howl gala gobollad dhexe.

Xanuunkaan waa Kansarka ku dhaca hunguri mareenka waxa afka qalaad lagu yiraahdo "Eosophageal Cancer".

Xanuunka wuxuu ku bilowdaa buro yar oo ka soo baxdo jidiinka (hunguri-mareenka), taasoo mar marka ka dambaysa weynaata illaa ay xirto marinka hunguriga.

Waxayna badanaa ku dhacdaa qeybta hoose ee jidiinka inkastoo xaaldaha soomaalida lagu arkay ay u badan tahay qeybaha kore iyo dhexe, sababtane lama garanayo.

Qofka xanuunkaan qabo wuxuu badanaa isbitaalka yimaadaa, markii wax liqidda ciriiri ku noqotoo taasoo ah xaalad culus.

Marka ugu horayso qofka wuxuu ka istaaagaa cunnada adag sida hilibka iyo wixii la mid ah, kadibne tartiib ayuu u joojiyaa cunnada illaa uu marka dambe dareeraha inuu cabo ay dhib ku noqoto.

Claamadaha kale oo la socdo waxaa ka mid ah, qofka oo miisaankiisa si xad dhaaf ah u dhaco, culeys xabadka ah iyo qofac ama xabeeb codka yeesho.

Waxaa habboon in isla markaa isku aragto in cunnada ku dhibayso ama cadaadis xaga hunguri mareenka ka dareento in aad takhtar si dhakhso ah ula xiriirto, waa la ogaan karaa xanuunkaan, waana lagu baari karaa dalka isbitaalladiisa kala duwan.

Xanuunkaan kama mid ahan xanuunada joogtada loo baaro sababtane waa aqoon aan loo lahayn dadka uu ku badan yahay calamadaha khatarta ah ee lagu garto.

Tusaale ahaan qofkii aad sigaar u cabo waa in sanbabadiisa la baaro si joogto ah, si looga hortago xanuunkaas, laakiin xanuunka kansarka jidiinka, sidaas oo kale maahan.

Takhaatiir la xiriiriso xanuunkaan waxa kulul oo la cabbo way jiraan sida shaaha oo kale, laakiin maahan shey si cilmi ah loo baaray oo wax lagu dhisi karo.

Kansarrada ku dhaco jidiinka laba nooc ayay u badan yihiin, kan 1-aad waxaa la yiraahdaa "Adenocarcinoma", kan 2-aadne "Squamous cell carcinoma".

Nooca labaad ayaa ugu badan xanuunkaan, wuxuuna badanaa ku dhacaa jidiinka qeybtiise dhexe.

Way jiraan noocyo kale oo kaankarro dhif ah oo ku dhaco jidiinka.

Waxyaabaha loo malayn karo in kansarkaan ka qeyb qaataan waxaa ka mid ah wax kasta oo dhaawac gaarsiin kara jidiinka sida cabidda khamriga, laab jeexa joogtada ah, cabidda waxyaalaha kulkulul sida shaaha, cunidda fruutiska iyo cagaarka oo la yarasto, gaas calooleedka, sigaarka iyo raajo isi saaridda feeraha oo la joogteeyo.

Haddii aan ka soo qaadno, khataradaas kor ku xusan inay si dhab ah uga qeyb qaataan kansarkaan, waxaan ognahay in soomaalida ay la yimaadaanaa qaar ka mid ah khatarradaas.

Xanuunkaan waa xanuun u baahan diraaso qoto dheer ah iyo dabal gal waxyaabaha u keenay dadkaan u geeriyooday xanuunkaan ama ka bogsaday, sababta uu ugu badan yahay meelo gooni ah oo ka mida wadanka, ma dhici kartaa in xiriir la leeyahay dhaxal iyo genes-ka?

Su'aalo badan ayaa u baahan jawaabo, tusaale ahaan tirada aan kor ku soo xusay oo ahayd 415-ta qof ee xanuunkaan laga helay sanadkii 2008-da waxay ahaayeen dad isbitaal u tagay qalliin "Surgery", daaweyn kiimiko "Chemotherapy" ama daaweyn shucaac "Radiotherapy".

Waxaa hubaal ah tiro intaa ka badan inuu xanuunuka ku dilay meelo fogfog oo aysan awood u helin in ay isbitaal ku soo gaaraan, waxaa intaa sii dheer, xanuunkaan qalliin kaliya waxba kama taro markii qofka uu gaaro heer uusan waxna laqi karin, wuxuu u baahan kiimiko ama shucaac in lagu daaweeyo, labaasne lagama helo wadanka oo waa in aad dibadda u aado.

Sidaa daraadeed, dadka u dhinto aad ayay u badan yihiin, waxaan lagu qiyaasi karaa inkastoo tiro sax ah aanan la heynin inuu noqon karo xanuunka 3-aad ee kansarrada ku dhaco dadka soomaalida, waxaana ka horrayn karo ayaa la is leeyahay, kansarrada ku dhaca dumarka noocyadooda kala duwan, kansarrada la xiriira dhiigga noocyadiisa kale duwan sida liyuukiimiyada iyo liimfoomada.

Fadlan iska ilaali astaamahaas kor ku xusan si aad uga fogaato xanuunkaan, haddii shaki yar aad dareento ama aad isleedahay halis ayaa ugu jiri kartaa la xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan.

Inta aan ka arkay xanuunkaan, dad dhif ah ayaa xanuunkaan dibadda la soo gaaro, inta badanne wadanka ayay ku geeriyoodaan, waana xanuun rajadiisa aad u xun tahay, waxaa lagu qiyaasaa 4% boqolkiiba in ay noolaadaan 5 sano oo dheeraad ah waa haddii qalliin lagu sameeyo qofka qaba xanuunkaan kaansarka jidiinka.

Waxaan jeclaan lahaa, in ra'yigiina ka dhiibataan xanuunkaan, haddii aad tahay takhtar xanuunadaan horay u soo daaweeyay ama la soo kulmay ama aad tahay qof la xanuunsan xanuunkaan ama ku waay qof qaraabo ama qoys ah.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com