Thursday, February 18, 2016

Maxay tahay calaamadaha dhalm-deyska Dumarka?

Waa maxaay hoolgabnimada dhaalmada  (Menopause)?
Menopause waa hoolgabnimada dhanka dhalmada ama dhiiga caadada, waa nidaam biological ah oo marwaaliba soo mara dumarkasto ku nool aduunkan aaynu ku noolnahay, waxaa ayuu uu horseeda dumarka in aay  isku arkaan caalamadaha xaalada dhalmo la,aan joogta ah, ama dhiiga caadada oo ka istaago, taas oo macnaheeda uu yahay in ay dumarka la soo daristo xaalad ah in aysan dhalaaynin wax caruur ah ama aysan qadaaynin wax uur ah, waxaana lagu ogaan kara xalaadan dumar marka ay la soo dariisto in aay iska waayso wax caado ah in ka badan 12 bilood oo xariir ah.

Inta lagu jiro xaaladan kala wareega ah ee dumarka ay ka wareegan nidaamka dhalmada una wareegan xaalada hoolgabnimada dhanka dhalmada, Ovarieska ama xubnaha  sameeyso  ugxaanta  ama hormoonka dumarka  ayaa waxay bilaabayaan in aay joojiyaan soo saarista in ku filan hormoonka dumarka Estrogen iyo Progesterone  ama soo saarin ugxaanta dumarka, mar hadii uu hoos uu dhaco horamoonka aan soo sheegnay ee Estrogen iyo Progesterone  dumarka waxaay uu horseedeysa in ay wayso dhiiga caadada uu ku dhaco dumarka bil waliba.

Menopuaseka ama hoolgabnimada dhanka dhalmada, xaaladaha ay ku imaan karto waxaa lagu qiyaasa da,da dumarka inta uu dhaxeeyso 45 sano ila iyo 55 sano waa qofba sida uu ilahay ugu maneestay kheyrkiisa. dumarka qaar ayaa  ku bilaabo menopuaseka am hoolgabnimada dhanka dhalmada daa,da 40 saano wax ka hooreeyo sida 30 saano iyo wax ka sareeyo,waxaana mardhow la arkay dumar reer yuruub ah oo ku yimid hoolgabnimo ama menopause  daa,da 31 saano, tan oo kale waxaa lagu magacaabay hoolgabnimo ka soo hormaartay waqtigeedi ama perimenopuase, waxaana sabaabi kara xaalado kala gadisan waxaa ka miid ah autoimmune disorders oo ah dhiibaato ku dhacdo hab difaaca jiirka binu adeemka, sigaar cabiista ama smoking cigarette waxaa ayaa ku jiro chemico taas oo dhawacda hormoonka dumarka, ama dhaawac gaaro ovarieska xibnaha soo saaro uugxanta ama soo daayo hormoonka dumarka ee Estrogen iyo Progesterone, ama qaliin lagu sameeyay ovarieska ama xuubinta soo saarta hormoonka iyo ugxanta oo laga saaro dumarka taas waa sababi kartaa hoolgabnimo dhanka dhalmada qaasatan qaaliinka loo yaqaano (hysterectomy) oo ah soo saaridda minka.

Hoolgabnimada dhanka dhalmada waa xaalad dabiici ah oo uu qaas ah haweenka oo  soo marta qofka dumarka ah noolashoodi marka la gaaro waqtigeeedi ee maahan wax cuduur ah oo laays qaadsiyo, ee laakinse maraarka qaar waxaa sabaabi karo deeganaansho la,aan dhanka maskaxda dumarka oo u horseeda in ay sabaab uu noqoto xaalado badan oo hoos taga daawooyinka loo isticmaalo ku daaweeynta cuduro kale sida chemotherapiga  oo sabaabi karo in uu dhibaateeyo  hormoonka dumarka.

Heeraarka hoolgabnimada dhanka dhalmada ama stages of menopause. 
Dumarka ka soo biloow waqtigii aay gartay in aay ku dhacdo caadada waqtigi ay yareed ilaa ay ka gasho waqtigi hoolgabnimada dhanka dhalmaada, caadiyaan waxay helaan bishiiba mar in aay u timaado dhiiga caadada, haadi laga reebo xilliga uurka aay ku siido ilmaha aan dhalan ama xaalado kale la xariir cuduro qaar ah oo dhib uu keeno in ay wayso caadadi ay heeli jirtay bishiiba mar.
Xiliga ugu horeeyo ee wareega caadada dumarka, Ovarieska ama xibnaha uugxaanta sameeyo ee ku yaalo ilmogaaleenka qeybtiise sare, waxaay soo saran level aad iyo aad uu sareeyo oo ah hormoonka Estrogen, kaas oo u horseeda gudaha darbiga ilmogaleenka oo loo yaqaano endometrium in uu adkaado oo noqdo mid celiya dhaqdhaqaaqa ugxaanta inta ay ka weynanayaan ugxaantas  oo ay ka gaarayaan kuwa wax la falgali kara hadi ay la kulmaan manida raga, hadii aysan la kulmin wax manida raga maalinka 14 ee wareega dhiiga caadada dumarka ugxaanta waxaay bilaabayaan in la soo daayo waa farasamo xaga rabaani ah, taas waa mida loo yaqaano ovulotion. Xaaladaas kadib xibnaha sameeyo ugxaanta loo yaqaano ovaries waxaa ay soo saaraysaa level sare oo ah hormoonka Progesteroonka hadii ugxaanta an la kulmin ama helin shahwo rageed oo ay la falgasho levelkii sareeyay ee hormoonka Esterogen iyo Progesterone hoos ayuu uu dhacayaa, hoos u dhacaas waxaa ayuu uu horseedaya in uu jirka iska dibciyo adkaantii uu adkeeynaayey gudaaha derbiga ilmogaleenka taas oo ilaalo u aheed ugxaanta si aysan iskeeda u dareeriin ama dilaaciin, ayaa waxaa bilaabaneyso in ay dillaacan ugxaanti oo ay isu bedelaan dhiiga caadada.
Dumarka marka ay gaaran xiliiga hoolgabnimada, xubnaha sameeyo ugxaanta waxaa ay soo sarayaan level hoose oo ah hormoonka Estrogen, hoos u dhacan hormoonka estrogenka aya waxaa uu horseed u noqoonaya xaalada aan toosneen dhanka dhiiga caadada dumaarka, in mudo ah kadibna waxaa ayuu uu keenay hoolgabnimo joogto ah dhaanka caadada ama dhalmada, in muudo ah ayeey soconaysaa hoosha dhanka hoolgabnimada dhalmada bilooyin iyo sanado inta oo san sii joogto ah u istaagin, heeraarka hoolgabnimada dhanka dhalmada waxaa loo qeybiya ila 3 xaaladood oo kala ah siida soo socoto.

Perimenopause ama hoolgabnimo ka soo hormartay waqtigeedii.
Hoolgabnimada dhalmada dumarka ka soo hormartay waqtigeeda, howsheedu waxaay bilaabanaysaa sanadooyin ka hor inta uusan iimaanin hoolgabnimada joogtada ah waqtigeedi, inta lagu jiro xaaladan soo hormaritaanka dhanka hoolgabnimada, si caadi ah ayeey  dumarka u helaan dhiiga caadada, inta lagu jiro xaladahaan soo hormaritaanka waqtigii istaaga dhiiga caadada ama dhalmada, qofta dumarka ah hormoonkeeda waxaa ayuu noqoonaya mid an deganeen mar waxaa ayuu noqoonaya mid levelkiisa sareeyo ama mid levelkiisa hooseeyo taas oo macnaheedu yahay in ovarieska dumarka oo ah xibnaha soo saara hormoonka soo daayo hormoonka estrogen oo level hoose ah, tan ayaa u horseedeysa in ay isku aragto qofta dumarka caalamadaha istaaga dhiiga caadada ama hoolgabnimada dhanka dhalmada,inta lagu jiro waqtigaan oo ah ka soo hormaaritaanka waqtiga istaaga dhiiga caadada ama dhalmaada caalamadaha waa la arkaaya laakiinse qofka dumarka ah waxaay ku qaadan karta muudo ilaa iyo 5 saano iyo wax kabadan howsha hoolgabnimada rasmiga ah, inta lagu jiro mudadaan waa macquul in dumarka saameysay caalaamadaha in ay heelaan ama ay qaadaan uur inta ay ku jiraan xiilaagan kala wareega ah laakinse waa miid aan la hubin.

Menopause ama Hoolgabnimada dhaanka dhaalmada.
Dumarka xaalada hoolgabnimada dhanka dhalmada waxay galayaan marxalada istaaga dhalmada marka ay isku arkaan calaamadaha istaaga dhiiga caadada in muudo 12 bilood ah, marka ay dhamaysoto 12 bilood aysan isku arkiin dhiiga dhaalmada, meesha waxaa ka bilaabanaayo in ovarieska ama xinbaha  dumarka ee soo saaro  Uugxaanta dumarka in uu istaagay hoowshiisa soo saaritaanka Uugxaanta iyo in xibnaha haweenta ay joojiyeen soo saaritaanka hormoonka dumarka oo kala ah Estrogen iyo Progesterone, hoos uu dhaca hormoonka dumarka ayaa waxa uu ku tusayaa caalamadaha in qofkaan dumarka ah ay gashay marxaladii ka bixitaanka waqtigii dhalmada.

Postmenopuase ama  hoolgabnimada ka dib.
Qofka dumarka ah marka ay ka baxdo marxalada dhalmada ayna gasho marxalada hoolgabnimo aya waxaa ku dhaco isbedelo badan oo marba si ku yimaado dhanka jirka haweenka, maxaa yeelay hormoonkeedii oo dhan ayaa baxa oo raaca kaadida ay kaadiso markasto inta ay ku jirto marxalada hoolgabnimada, caalamado ayeey isku arki kartaa oo ka mid ah lafaha oo xanuuna, dhidiid waqtiga ay jiifto habeenkii, kuleel ka soo baxa jirkeeda. iyo calciumka oo jirkeeda ku yaarado iyo Vitamin D. lafaha oo buburku yimaado, wadnaha oo xanuun ku yimaado qofba si ayuu ugu imaanayaa calaamadaha marxaladaan ee hadii aad isku aragtid fadlaan la xariir dhakhtarkaaga.


FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

DARYEELKA UURKA (Prenatal Care)

Daryeelka dhalmada ka horreeya waa daryeel caafimaad oo aad heleysid inta aad uurka leedahay. Qorsheyso booqasho dhalmada ka horreysa isla marka ay kula noqoto in aad uur leedahay. 

Booqashooyinkaan waxay kaa caawinayaan in aad uur caafimaad leh lahaato waxaana lagu ogaan karaa dhibaatooyinka ka hor inta aysan
kuwo daran kugu noqon adiga ama ilmahaaga. 

Takhtarkaaga wuxuu dooni doonaa in uu ku arko 4-6 toddobaad ee kastaba mar 6-da bilood ee ugu horreysa ee uurka.
Waxaad u baahan doontaa in aad takhtarkaaga aragto in badan waqtiga saddexda bilood ee ugu danbeysa uurka.

Haddii aad dhibaatooyin qabto, takhtarku waxaa laga yaabaa in uu rabo in uu ku arko in badan ama baaritaan badan kugu sameeyo.

Maxaa laga filayaa Booqashooyinkaaga Dhalmada ka Horreeya

Booqashadaada ugu horreysa waxay noqon doontaa booqashada ugu dheer.
Waqtiga booqashadan:
• Waxaa lagaa hubinayaa dhererkaaga, miisaanka iyo cadaadiska dhiigga.
• Dhiig ayaa lagaa qaadayaa si lagaaga baaro cudur iyo heerar hooseeya ee birta ama feerada. Waxaa lagu weydiin doonaa haddii aad dooneysid in lagaa baaro HIV.
• Waxaad u baahan doontaa in aad sambal kaadi ah geyso si looga baaro jeermis, sonkor iyo borotiin.
• Waxaa laguu qiyaasi doonaa taariikhda aad dhaleysid, qiyaasta maalinta laga yaabo in uu ilmuhu dhasho.
• Waxaa lagu weydiin doonaa su’aalo adiga, lammaanahaaga, qoyskaaga, iyo daawooyinka iyo daawo geedoodka aad qaadato ku saabsan.
• Takhtarkaagu wuxuu kugu sameyn doonaa imtixaan jidh ahaaneed oo ay ku jiraan imtixaan sinaha ah oo uu la socdo dariiqada lagaga baadho kansarka ilma galeenka ee pap smear.
• Takhtarku wuxuu kuu sheegi doonaa in aad billowdo qaadashada fitamiin leh folic acid dhalmada ka hor.
• Ballan u sameyso booqashadaada ku xigta.

Marka la joogo booqashooyinka dhalmada ka horreeya oo dhan:
• Waxaa lagaa hubinayaa cadaadiska dhiigga, miisaanka, kaadida, iyo caafimaadka guud.
• Xaddiga garaaca wadnaha ilmahaaga iyo koritaankiisa ayaa la hubinayaa.
• Baaritaanno kale sida baarid dhiig ama ultrasound ayaa laga yaabaa in la sameeyo.
• Weydii su'aalo oo la qaybso wixii walaac ah ee adiga naftaada iyo ilmahaaga idinku saabsan.

Baaritaannada
Waxaa laga yaabaa in aad marto baaritaannada soo socda:

Baaritaanno dhiig si lagaaga baaro:
• Nooca dhiigga
• Heerka birta
• Waraabow
• Cagaarshowga ama Jooniska Nooca B (Hepatitis B)
• Jadeeco
• Baaritaanka Alpha-fetoprotein (AFP)—Baaritaankan waxaa lagu hubinayaa halis korodhtay ee noocyada cilladaha lagu dhasho qaarkood ee ilmahaaga. Waxaa la sameeyaa inta u dhexeysa 15 ilaa 20 toddobaad ee uurka. 
Haddii natiijada baaritaanku ay sarreyso, baaritaanno badan ayaa la sameyn doonaa.
• Baaritaanka Rh factor Baaritaankan waxaa lagu hubiyaa in lagu arko
Haddii Rh-kaagu uu jiro iyo haddii uusan jirin.
• HIV Haweenka oo dhan waa in ay tixgeliyaan in dhiigga laga baarayo si looga hubiyo HIV. Hooyooyinku waxay cudurkaan u gudbin karaan ilmahooda waqtiga uurka, foosha iyo naas nuujinta. 
Natiijooyinka baaritaanku waa qarsoodi.
• Dhiig yarida unugga Sikal (Sickel Cell) loo yaqaanno waa lagaa baari doonaa haddii aad halis ugu jirtid.

Ultrasound
Waxaad ugu yaraan mari doontaa 1 ultrasound waqtiga uurkaaga.
Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu sameeyo ultrasoundyo badan si uu u hubiyo koritaanka ama xaaladda ilmaha.

Amniocentesis
Baaritaankaan waxaa lagu hubiyaa cudur hiddo-side waxaana badanaa la sameeyaa inta u dhexeysa 15 iyo 18 toddobaad ee uurka. Takhtarku wuxuu cirbad gelinayaa caloosha haweeneyda si uu u soo saaro dheecaan xoogaa ah oo yar ee unugyada ilmaha ku hareereysan (amniotic). 
Dheecaanka waxaa loo dirayaa shaybaar si loo baaro.

Baaritaanka u dulqaadashada sonkorta (Glucose tolerance test (GTT))
Inta u dhexeysa 24 iyo 28 toddobaad ee uurka, waxaa lagaa baari doonaa sonkor dhiig oo sarreysa ee uurka, oo loo yaqaanno sonkorowga uurka (gestational). Waxaa lagu siin doonaa cabitaan macaan si aad u cabto ka dibna sambal dhiig ah ayaa lagaa qaadi doonaa.

Baaritaanka diiqo la'aanta
Baaritaankaan wuxuu makiinad gaar ah ku diiwaan gelinayaa xaddiga garaaca wadnaha ilmahaaga. Baaritaankan xanuun ma lahan wuxuuna ku lug leeyahay gaballo sharooto ah oo caloosha lagaaga dhejiyo.

Waqti kasta oo uurkaaga ka mid ah, isla markiiba dhakhatarkaaga la xiriir haddii aad:
• Xuubkaagu ama kiishka biyuhu dillaaco ama dalooshamo.
• Wax dhiig ahi kaa yimaado.
• Aad casiraad ama maroojin isku aragto taasoo ku qabanaysa in ka badan 4-6 goor saacad gudeheeda.