Friday, March 11, 2016

Marabtaa inaad noqoto QORAAGA ASBUUCA? NALA WADAAG SHEEKO KU SAABSAN QOF NAAFO AH.


Noosoo gudbi sheeko ama qoraal ku saabsan qof-naafo ah , adigoo xusaya:
1- Taariikhdiisoo kooban ,
2- Waxbarashadiisa,
3- Shaqooyinka ama farsamada cajiibka ah ee uu qabto/qabato.
4- Fariintiisa ( Waxa uu jecelyahay inuu bulshada la wadaago, sida baaaq, codsi ama guubaabin)

FG: Qofkaas wuxuu noqon karaa rag ama dumar , sidoo kale waa inaad isticmaashaa sawirkiisa oo nadiif ah waxaadna noogusoo diri kartaa:
E-mail:  hageproject@gmail.com
ama noogusoo dir facebook.

Haddii aan helno fariintaada waxaan kugusooo bandhigi doonaa page-keena.

NASIIB WANAAGSA, WAXAAN KUU RAJEYNEYNAA INAAD NOQOTO QORAAGA ASBUUCA.

Halkaan ka baro sida la iskaga daweeyo (Agoolka).



Waa maxay Dandruff?
Dandruff waxay basada ku samaysaa toxob badan oo badanaa la dareemo marka la shanlaysanayo.
Unugyada maqaarkeenna waa la cusbooneysii mar waliba oo ay duqoobaan laakiin haddii cusbooneysiinta ay noqoto mid dhakhso ah waxay keeneysaa in la dareemo unugyo badan oo dhinta kadibne loo dareemo toxob ama jirif ahaan oo ka soo daadato basada.

Dandruff-ka waxuuu kaloo ku dhacaa dadka ka shaqeeyo meelo heerkulkooda sarreeyo taasoo keenta in unugyada basada ay dhakhso is badalaan.
Dandruff-ka waxaa kaloo loo yaqaannaa "SCURF" ama caafimaad ahaan "Pityriasis Capitis"

Waxaa kaloo jira cudur loo yaqaanno "Seborrheic Dermatitis" oo ah caabuq ku dhaca maqaarka basada, wuxuuna keenaa in toxob badan uu sameeyo.

Calaamadaha dandruff-ka waxaa ka mid ah toxob cad oo basada saarsaaran ama tinta ku dhegan, basada oo leh cuncucn iyo hanbab.
Xaaladaha dandruff-ka badankood uma baahna in dhakhtar loola tago inkastoo dadka cuncunka siyaadada dareemo oo xoqa basadooda u baahanyihiin in daawo ay raadsadaan.

Maxaa keeno Dandruff-ka?
Waxa si toos ah u keeno dandruff-ka lama garanayo laakiin waxaa la isku waafaqsanyahay in nadaafad xumi aysan lug ku laheen.
Waxyaabaha keeno in dandruff-ka ay bataan ama helis uga dhigo qofka waxaa ka mid ah:
  • Madaxa aan la shanleyn si joogto ah.
  • Dadka xasaasiyad u leh khamiirka.
  • Maqaarka oo qalalan (dadka saliidda aan isticmaalin)
  • Caabuqa basada
  • Isticmaal la'aanta shaambada
  • Cudurrada qaar sida: Parkinson's-ka, Faalijka iyo Kaasaliimka oo yar.
  • Xasaasiyad laga qaado waxyaabaha la marsado tinta
  • Fangaska sida Malassezia oo kale
  • Nafaqo yarida sida Zinc-ga, Fitamiin B iyo dufannada qaar.
  • Diiqada iyo niyad jabka (waxaa la ogaaday in xiriir uu ka naxeeyo)
  • HIV (11% dadka qabo AIDS-ka waxay leeyihiin dandruff)
  • Bidaarta cudurka ee "Alopecia"

Garashada Dandruff-ka?
U ma baahnid dhakhtar si aad u gaatid in aad qabto dandruff, haddii aad leedahay toxob cad oo basadaada ku samaysantay ayaa kugu filan.
Haddii aad u baahantahay in aad dhakhtar aaddo horay u soo qaad haddii ay jiraan waxyaabo cusub oo aad bilawday in aad timaha marsato.

Maxaa lagu daaweeyaa Dandruff-ka?
Laba shay ayaa muhiim ah in la ogaado marka aad iska daaweyneyso dandruff-ka: 
1) da'daada iyo 2) heerka dandruff-kaaga.
Waxaa lagu daaweeyaa shaambooyin loogu tala galay ka hortagga iyo daaweynta dandruff-ka umana baahnid rijeeto si aad u soo gadato.
Waxaa kaloo jira shaambooyin ka hortaga dandruff-ka uu keeno fangaska.
Haddii shaambooyinka waxba iskaga garan weydo waa inaad la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado waxa keenay dandruff-kaaga.
Haddii ay la socdaan timaha oo khafiif ah ama daato, qoraalkaan akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,687.0.html

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com

Infakshanka / Caabuqa Kaadi Mareenka (Urinary Tract Infection)





Cudurka caabuqa kaadi mareenka, oo loo yaqaanno Urnary Tract Infection (UTI), waa cudurka kaadi haysta ama kelyaha.

Maxaa keeno caabuqa kaadi-mareenka?
Caabuqa kaad mareenka waxaa laga yaabaa iney keenaan jeermisyada ka yimaada:
# Kaadi ku harta kaadi haystaada marka aad kaadiso ka dib
# Xannibaad kellida ka dhex jirta ama dhagxaan kellida gala
# Lur ka yimaada suun isku dhuujin, nigis layloon ah ama galmo
# Nadaafad darro
# Tubbo la is geliyo / Kateetar (Catheter) si ay kaadida u soo saarto.
# Saxaro gaartay cawradaada.

Waa maxay caalamadaha lagu garto?
# Gubasho ama xanuun marka la kaadinayo
# Qandho leh qarqaryo ama dhaxan.
# Kaadi badnaan ama si lama filaan ah qofka u qabato.
# Kaadi dhiig leh, daruur oo kale ah, ama ur xooggan leh.
# Xanuun dhabarka qaybta hoose ah iyo daqnasho bisqenlayda ah.
# Daal dareemid ama jirrasho

Sidee loo baaraa?
Takhtarkaagu wuxuu kuu diri doonaa baaris kaadi, kadb waxaa la ogaan karaa in infekshan ku hayo iyo heerka uu gaarsiisan yahay, marmarka qaar, waxaa dhici karto in takhtarkaagu kuu diro beeris kaadi si loo ogaado, infakshanka bakteeriyada kuu keentay nooceeda iyo daawada wax ka tari karta. (badanaa waxaa midaan dambe la sameeyaa markii caabuqa kaadi mareenka uu kaa bxi diido ama kugu soo laalaabto).

Sidee loo daaweeyaa?
Takhtarkaaga u sheeg calaamadahaaga. Daaweyntaada waxaa ka mid noqon kara:
# Cabidda ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta.
# Ka fogaanshada cabitaannada kafeyiintu ku jirto, sida qaxwada, shaaha iyo cabitaannada fudud.
# Antibiyootik qaadasho. Antibiyootikada oo dhan u qaado sida lagu amray ilaa ay dhaladu ka dhammaato. Haddii aadan daawada oo dhan wada qaadannin, cudurku wuu kugu soo noqon karaa ama wuu ka sii dari karaa.

Siyaabahee looga Hortagi karaa?
# Nadiifi cawradaada.
# Kaadi haystaada faaruqi dhowrkii saacadood ee kasta xataa haddii aadan dareensaneyn iney buuxdo.
# Haweeenku waa iney mar walba cawradooda biyaha horey ka soo raaciyaan oo gadaal u raaciyaan markay musqusha aadaan ka dib.
# Bannee kaadi haystaada galmada ka hor iyo ka dib.
# Xiro nigis suuf ah iyo surwaal dabacsan.
# Cab 8-10 koob oo cabitaan ah maalintiiba. Ku darso cabitaannada ay ku badan Fitamiin C, sida burtuqaalka ama casiirka karamberriga.
# Ka fogow aalkolo iyo cuntooyin iyo cabitaanno kaafeyn leh.

Aad takhtarkaaga haddii:
# Aad isku aragto calaamadaha caabuqa kaadi-mareenka kor ku xusan.
# Aad isku aragto lalabbo ama matagid.
# Aad isku aragto dhabar xanuun (wareeg xanuun)
# Ay dhibaato kaa haysato daawooyinkaaga
# Aadan daaweynta kaga soo raynin muddo 48 saacadood ama calaamadahaagu ay kaga sii daraan 24 saacadood.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com