Sunday, February 21, 2016

Ciladda Shakiga iyo waswaaska!

Shakiga badan iyo waswaaska waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Obsessive Compulsive Disorder" tan oo lagu macneeyo Ciladda Qofka Maskaxda Uga Taagan Oo sidoo kale loo yaqaan: OCD
Ciladda qofka maskaxda uga taagan (OCD) waa nooc ka mid ah wallaaca.
Haddii aad qabto OCD, oo aad qabtid, fakar soo noqnoqda oo murugo leh ee loo yaqaan walwal taagan.
Waxaad si soo noq-noqota isku daydaa isla wixii si aad isugu daydo in uu fakarka ku daayo. Tallaabooyinka soo noq-noqda waxaa loo yaqaan kuwo aad ku khasban tahay.
Tusaale ahaan fakarka kugu taagan waxaa uu noqon karaa cabsi aad ka qabto jeermiska ama cabsi aad ka qabto in lagu xanuujiyo.
Waxyaabaha aad ku khasban tahay in aad sameyso ayaa waxaa ka mid ah gacmahaaga oo aad si joogto ah u dhaqdo, in aad wax tiriso, alaabta oo aad iska eegto ama nadiifiso.
Tusaale ahaan waxay aad uga muuqataa dadka weysada dhib kala kulmo oo ka shakiya in dhowr jeer ay xubnahooda dhaqaan iyagoo aamisan in weli weysada aysan sax ahayn oo meelo jirka ka mid ah sidii la rabay loo dhaqin.
Waxaa ka mid ah salaada markii la xiranayo oo iyadane ay qofka inuu niyeystay iyo in kale ay dhib ku tahay taasoo keeni karto in salaadda dhowr jeer xirto.
Waxaa ka mid ah in qofka uu wax kasto inuu tiriyo jecel yahay oo meel hadduu soo galo wixii is leh inuu tiriyo ama wixii tirsami karaba inuu tiriyo ama lacag tiris ha ahaato ama wax kalaba.
Waxaa kaloo ka mid ah in wixii isleh uu jecel yahay qofkaani inuu isku aadiyo, haddii kale niyadda uma dagayso sida mathaln wax isku midab ah in aysan is raacin oo kale, sida ka muuqato sawirkaan hoose:

Haddii aan la daaweyn, OCD waxay la wareegi kartaa qaab nololeedkaaga.
Dadka wax darsa waxay ku fakaraan in dadka qaba OCD aysan maskaxdooda si fiican u shaqeynin.
Badanaa reerka ayaa isu gudbiya. Caadi ahaan waxay calaamaduhu billawdaan carruurnimada ama xilliga qaangaarka.
Caadi ahaan waxaa waxtar leh daawooyinka iyo nidaamka daaweynta ee isku jira.

In aad la kaashato xanuunkaaga takhtar ku taqasusay cudurrada maanka waa muhiim si uu kaaga taakuleeyo dhibka aad daeemeyso.
daaweyntu waa 3 nooc, mid waa daawada kaniiniga ah (medication), midna waa dabciga oo la badalo (Cognitive behavioral therapy), midna waa (Psychotherapy).

In labada qeyb oo ugu korreysa la isla isticmaalo waa midda ugu muhiimsan daawenta cilladaan.
Tusaale ahaan: Dabciga badalidda ayaa waxaa loo sameeyaa qaab ah in qofka lagu dhaliyo ama lagu qasbo xaalad ka mid ah xaaladaha uu dhibsanayo oo ku abuurayso cillad ku taagan taasoo si tartiib ah loogu booriyo qofka in uu is xakameeyo una adkeysto sida ugu saxsan oo uga jawaabi lahaa cillada maskaxda kaga taagan.

Xanuunnada noocaan ah waxay u baahantahay in aad la kulanto takhtar oo aad la fadhiisato ee in aad internetka kala sheekeysato wax saa u sii weyn kugu saacidi mayso maxaa yeelay xanuunkaan daawentiisu waxay u baahantahay wada fadhiisasho iyo isla dhaqmis.
Takhaatiir ku taqasusay cuduradaan waa laga helayaa dalka oo way joogaan inkastoo aysan ku badneyn.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

Baro Sidee u hagaajin kartaa caafimaadka kiliyahaaga?

Kilyaha waa xubno muhiim ah jirka, qofka bini-aadanka la aantood ma helo karo caafimaad buuxa.

Kilyaha waxay jirka u taraan waxyaabo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin laakiin waxaa ugu muhiimsan kuwaan:
1- Qashi-saarka: kilyaha waxay sameeyaan kaadida iyadoo ay raaciyaan wixii qashin ah oo jirka dhibi kara in ay ka saaraan, caafimaadka wuxuu ku jiraa in qofka qashin-saarka kilyahiisa in ay sarrayso.
2- Isku-dheellitirka dareeraha jirka: Markuu qofku ooman yahay, kaadidiisa way yaraataa, markuu biyo ka dhargane kaadidiisa way badataa, dheecaanka jirka ku jiro waxa uu leeyahay macdan muhiim u ah oo ay kilyaha ka ilaaliyaan in ay kaadida soo raacaan, waana in cabbirka waxyaalahaas aynan is badalin hadduu qofka uu biyo cabo iyo hadduu ooman yahayba.
3- Kontroolidda dhiig-karka: kilyaha waxay ka qeyb qaataan oo muhiim u yihiin sidii cadaadiska dhiiggaaga ay u kontrooli lahaayeen oo waxay ka ilaaliyaan dhiig-karka ama in dhiiggu oo kaco, waxay soo daayaan dheecaanno dhiigga kor u qaadi karo ama hoos u dhigi karo iyadoo ku xiran xaaladda aad ku sugan tahay.
4- Ka hortagga dhiig-yarida: kilyaha waxay kaloo ka qeyb qaataan in dhiigga ay sare u qaadaan iyagoo soo daaya dheecaanno la shaqeeyo dhuuxa lafta si loo soo saaro birta iyo unugyada cas oo jirka u baahan yahay, hadduu qofka ay kilyaha fadhiistaan waxaaa ku dhaco dhiig-yari.
5- Kontroolidda kaalsiyamka, vitamiin d-ga iyo hormoonno kalaba: kilyaha waxay kaloo kontroollaan oo ay jirka u habeeyaan ka faaidaysiga waxyaabo badan oo ay ka mid tahay maadada kaalsiyamka loo yaqaanno oo lafaha dhismahooda ka qeyb qaadato iyo fitamiinada qaar sida vitamiin d-ga oo haddii la waayo uu qofka ku dhici karaan lafo-burbur.

Qof kasta wuxuu ilaahay ku abuuray laba kilyood inkastoo ay dhacdo in dadka qaar ay hal killi ku dhalan karaan, waxayna ku jiraan qeybta feeraha ka hooseyso ee dhinaca dhabarka xigta, meelo kalane way ku jiri kartaa taas oo aan ahayn mid dabiici ah.

haddii labada kilyood mid fadhiisato ama howlgabto, hal mid qofka wuu ku noolaan karaa wayna qaban kartaa howsha midda kale, markuu qofka kilyahiisa ay howl-gabaan macnaheeda waxay tahay labada kilyood ma shaqaynayaan wuxuuna u baahnaanayaa in kilyaha badalkooda mashiin in lagu xiro jirka ka soo saaro qashinka iyo sunta, wuxuuna qofka u baahnaanayaa in kilyahiisa si joogto ah loo dhaqo ama in kilyaha laga badalo.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: Howlgabka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1750.0.html
Halkaane ka akhriso qoraaal ku saabsan kaadi-saarista ama kilyo-dhaqista: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html

Sidaa awgeed ahmiyadda ay kilyaha jirka biniaadanka u leeyihiin iyo halista haddii ay howlgabaan, waxaa muhiim ah in qofka uu ku dadaalo sidii ay kilyahiisa caafimaad buuxa u heli lahaayeen inta uu noolyahay iskane ilaaliyo waxyaabaha halista ah oo dhaawici kara kilyaha.
1- Kilyaha waxa ugu horreeya oo dhaawac gaarsiiya waa fuuq-baxa ama oonka siyaadada ah sidaa darteed waxaa lagula taliyaa qofka in caafimaadka uu ku jiro inuu biyo caadi ah caadaysto siduu u cabi lahaa maalintiiba 8 koob oo biyo ah, weliba isagoo billaabayo subaxa hore.
tani waxaa ka mid ah inuu qofka badsado cunista cunnada ama khudaarta biyaha ku badan tahay sida qaraha, ananaaska, cinabka iyo wixii la mid ah.
2- Midda xigta oo kilyaha wax gaarsiisa waa haddu qofka uu leeyahay xanuun caabuq kilyaha oo uusan qofka iska daaweynin kuna raagay, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html
3- Midda ku xigta waa haddii aad qabtid xanuun kilyaha saameeyo kuwaas oo ugu badan dhiig-karka, sonkorowga, cagaarshowga, wadna xanuunka, taladu waa in aad xakamaysaa xanuunadaas adigoo raaca talooyinka takhtarkaaga, joogtane u qaato daawada laguu qoray, kilyahagaane si joogto ah aad u baartid heerka shaqada ay marayaan iyo in aad halis ugu jirtid in kilyahaaga ay fadhiisan rabaan.
4- Midda ugu dambeyso waa in aad iska ilaalisid in aad qaadatid ama soo gadatid daawo aanan kuu qorin takhtar, daawooyin badan oo waxaa jiro aanan u roonayn kilyaha, weliba qasab ay tahay in laga ilaaliyo dadka qaba xanuunada kilyaha dhaawici kara, fadlan la soco takhtarkaaga, kana fakar in aad daawo halis kilyahaaga ku ahayn aad u qaadan lahayd.
5- Iska ilaali cunista mukhaadaaraatka iyo maandooriyayaasha kilyaha saameeyo sida qaatka, sigaarka, khamriga iyo wixii la halmaalaba.

shantaa talo haddii aad qaadatid waxaad ka badbaadi doontaa ilaahay idinkiisa sababaha ugu waaweyn ee keeni karo howlgabka kilyaha.
haddii aad caafimaad qabtid, sanadkiiba mar iska baar kilyaha adigoo iska qaada dhiig lagu ogaado shaqada kilyaha.
dad badan ayaa si qaldan u fahansan in computer la isi saaro oo uu sheegi karo in kilyaha ay shaqeynayaa, taasi wax ka jiraa ma jiraan, kumbuyuutarka waxuu sheegaa kaiya haddii kilyaha ay nabar ama buro ama barar ay leeyihiin ama dhagax uu ku jiro laakiin inay shaqeynayaa iyo heerka ay marayaan shaqo kuma lahan, taasi safiican u dhuux.

Waxaa jiro talo guud oo ugu dambeysa oo caafimaadka u roon oo ah in aad jimicsi joogto ah samaysid, in cunno isku-dheellitiran aad qaadatid iyo in aad miisaankaaga xakamaysid.

Fadlan badso cunnada faaida u leh kilyaha khaas ahaan kuwa ay ku yartahay maadada bootaasiyamka iyo foosfaytka sida kabbejka, tuunta, basasha, barbarooniga, tuffaaxa, cinabka, qaraha, saliid saytuunka, ukunta qebteeda cad, gallayda iyo kalluunka.
Intaasba waxaa ku jirto maadooyin kilyaha ku caawiyo qashin saarka iyo howlaha kale ay qabato.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH
SOMALI DOCTORS 
WWW.somdoc.com