Saturday, February 20, 2016

WAX KA OGOOW XANUUNKA QUMANKA IYO SIDA LOO DAWEEYO?

Qomanku waa caabuq cune oo ay keento jeermiska bakteeriyada ama fayras-ka. 
Bakteeriyadu waxaa faafiya dhibco ku samaysma sanka ama cunaha ee qof qaba bakteeriyada streptococcus. Tani waxay inta badan dhacdaa waqtiga bilaha qaboobaha marka dadku ay guryaha ku wada jiraan. Waxaad caabuqa cunaha ku qaadi kartaa 2-7 maalmood ka dib markaad la joogtay qof qaba cudurka. 

Waxaa lagu kala qaadi karaa neefsashada ama calyada oo is gaarto.

Calaamadaha Quunka:
#  Qandho ka sarreysa 101° F ama 38 °C 
#  Qar-qaryo ama dhaxan
#  Cuna xanuun 
#  Liqidda oo ay dhibaato ku timaaddo 
#  Qoorta oo bararta 
#  Kor xanuun iyo kalagoysyo xanuun
#  Cunnu xumo
#  Lalabbo ama matagid 

Qumanka iyo dhinaca danbe ee cunaha ayaa laga yaabaa iney guduud u ekaadaan ama bararaan, oo dhibco caddaan ama jaalle ah oo maal ah yeeshaan.
 
Xaalado dhif ah qaarkood ayaa cudurka quumanka laga yaabaa inuu keeno sun sababta finiinic guduudan oo uu maqaarka jirku yeesho. Finiinicaan waxaa loo yaqaannaa qandhada cas ee ifeysa. 

Daryeelkaaga Takhtarkaagu wuxuu dhinaca danbe ee cunahaaga ka fiirin doonaa guduudasho, barar, iyo dhibco cad ama jaalle ah. Baaritaan bakteeriyada strept oo deg deg ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo iyadoo dheecaan laga qaadayo dhinaca danbe ee cunaha si jeermiska strep looga hubiyo. Natiijooyinku waxay badanaa diyaar ku noqdaan muddo 10 daqiiqadood gudahooda ah.

Hadii lagaa helo strept waxaa lagu siin doonaa antibiotik kaniini ah ama cirbid hal mar lagugu duri doono.
Hadii quumanku ay noqdaan mid soo noqnoqda oo dhibaato u keena khaas ahaan ilmaha waa laga gooyaa oo qalliin ayaa soo sameeyaa loo yaqaano "Tonsillectomy"



Haddii xanuunka quumanka dhib kugu hayo ama kugu soo laalaabto waxaad kaga hortagi kartaa adigoo subax kasta inta aadan wax cunin ka hor, ku luqluqda biyo kulul oo cusbo leh taas oo ka qeyb qaadanyso in jeermiska ka hortagto oo aadan fursad u siinin inuu quumanka ku tarmo, laakiin haddii aad qandho isku aragtid waxaad u baahanaysaa in aad daawo antibiotic u qaadato.

Xanuunka quumanka ee soo laalaabto wuxuu caruurta u keeni karaa in infekshanka u gdubo xubno kale oo jirka sida wadnaha, kalagoysyada ama kilyaha.