Saturday, February 27, 2016

Suáal: Jamashada laxirrirta uurka?

Jamashada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa"Pregnancy Cravings" waa arrin jirta oo haween badani oo uur leh lagu arko laakiin khuraafaad badan iyo waxyaabo aanan jirin oo caado dhaqameed u badan ayaa lagu daray.

Jamashada caadiga ah ee la yaqaano waa in hooyadu ay marka ay uurka leedahay ay jeclaato cunnooyin gooni ah sida jallaatada, barafka, raqayga, liin dhanaanta, isbaandhayska iyo waxyaabo kalaba.

Tani waa arrin jirto oo la dareemi karo, haweenta uurka leh way ka qabanaysaa waxyaabahaas oo iskama celin karto, waana in loo keenaa ama ay raadsato.

Cilmiga caafimaadka ah uma hayo fasiraad lagu fahmi karo sababta ay maskaxda haweenta uurka leh ugu dhagan tahay cunto gooni ah laakiin cilmibaarayaasha qaar ayaa sheego in ay tilmaamayso in hooyadu ay ka maqan tahay waxyaabo nafaqo gooni ah oo laga helaayo cunnooyinkaas qaar, sida haweenka ku waasho in ay cunaan dhuxusha oo la tilmaaamo in ay astaan u tahay dhiig yarida.
Marka waa laga yaabaa wax gooni ah oo cunnadaas ku jirto in ay hooyadu jirkeeda u baahan yahay, waa arrinta ugu dhow ee ay dhakhaatiirtu ku sheegaan laakiin cilmigeeda saxda ah eebbe ayaa og.

Maadaama cunno jamashadu ay tahay wax aanan keeni karin dhibaato caafimaad, hooyadu lagulama taliyo in ay iska dhaafto oo wax dhib ah looma arko.
Laakiin haddii ay hooyadu bilawdo in ay cunto waxyaabo dhibaato u keeni karo iyada ama uurjiifkeeda sida dhuxusha, dhagaxa, jeestada, goomaha, saabuunta, dhoobada iyo wixii la mid ah waa in laga celiyo oo fitamiino iyo iron/bir loogu badalo oo daawo ah haddii ay hooyadu uur leedahay.

Badanaa jamashadaan waxaa la dareemaa bilooyinka hore ee uurka, waxayna soomaalidu u taqaanaa in hooyadu ay ku wallacday cunto gooni ah, wayna kala duwanaan karaan haweenku, qofbaa laga yaabaa in uur kasta uu u baahdo cunno gooni ah, meesha qaar kale ay dhici karto in uurkiiba ay cunno gooni ah ku wallacaan.


Haddii aan u gudbo qeybta kale ee jamashada ee aan raad ku lahayn caafimaadka oo caado iyo khuraafad salka ku hayo waa midda aad tilmaantay oo ah in hooyadu haddii ay jamato wax in loo soo gado oo aan cunno ahayn sida dahab, saacad, dhar iyo wixii la mid ah in fooshu ay dhib noqonayso ama in waxa ay dalbatay in ilmaheedu ku sawirmayo.
Taasi ma ahan wax sax ah ee waa khuraafaat.

Ilmaha ku dhasho barta waa arrin sideeda u jirto waana wax caafimaad ahaan la yaqaano waxaana loo yaqaanaa "birthmark", ka akhriso halkaan qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay waxay ay tahay barta ay caruurta ku dhashaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,760.0.html

Caado dhaqameedkaan waxaan ku arkay wadamo kale oo soomaalida wax u gooni ah ma ahan.
Waxayna ka mid tahay caadooyin badan ee lala xiriiryo uurka sida in hooyada aanan la tusin qorax madoobaad haddii kale ilmo faruuran ayay dhalaysaa iyo wax la mid ah.

Ilmaha qaabka ay u dhashaan iyo iinta ay ku dhashaan waa abuuris ilaahay kuma xirna hooyada wax ay sameysay ama wax aynan samayn intaba.

Caadooyinka noocaan ah ee aan asalka lahayn waxay mararka qaar keeni karaan in ay halis hooyada galiyaan, hadda ka hor hooyo foolan wayday ayaa waxaa la yiri waxay jamatay in ay aragto eeyadeed oo dagan meel tuulo ah, gabadhii ayaa gaari lagula cararay si ay ayeeyadeed u soo aragto si ay foosha ugu sahlanaato, markay ka soo laabatay inta ay jidka ku soo jirtay ayay dhiig baxday markay isbitaalka degmada soo gaartayne cunugii waa ku mayday!!!.

Bulshada hala wacyi galiyo khuraafaatka iyo caado dhaqameedyada caafimaadka iyo diinta u daran.
Waxaan eebe idinkaga rajaynayaa ubad caafimaad qabo.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

Su'aal: Maxaa keeno naaso xanuunka xiliga caadada?

Naasaha oo xanuun laga dareemo xilliga caadada waa cabasho ku badan dumarka, naaso xanuunka wuxuu ka mid yahay waxyaabo badan oo la dareemo xilliga caadada.

Waxay haweenka qaar ka dareemaan naasahood xilliga caadada ka horrayso kuus wayn oo daqnasho leh oo naasahooda aysan horay ugu ogayn, tanoo loo yaqaano "Fibrocystic breast disease", waa wax aan kansar ahayn, markii caadada laga gudbane way shuuqaan oo way dhamaadaan.

Badanaa xanuunka la dareemo iyo daqnashada wax intaa dhaafsiisan ma jiraan markii dhiiga caadada yimaadane xanuunka wuu yaraadaa.

Maxaa keeno naaso bararka iyo daqnashada xilliga caadada?
Waxaa arrintaan loo saariyaa isbadallada hormoonka ku dhaco dumarka xilliga caadada soo dhawdahay, sida dabiiciga ah, hormoonka estrogen aad ayuu u kacaa kadibna si dhakhso ah ayuu ku dagaa, taas ayaa keenaysa in naasuhu bararaan, hormoonka kale ee progesterone isagane wuxuu barariyaa qanjirrada soo daayo caanaha, labadaan isbadal waxaa la dareemaa in naasuhu ku daqnadaan khaasatan markii la taabto ama wax kaa taabtaan si kadis ah.

Naasaha waxay kaloo u ekaadaan wax buuxo oo kale oo xoogaa culeys ayaa laga dareemaa, dareenkaan naasaha laga dareemo wuu sii yaraadaa kullamaa ay haweentu da' noqoto, maadaama hormoonka istarojiinka uu hoos u dhaco.

Sidee loola tacaalaa arrintaan?
Arrintaan ma ahan wax dhib keeni karo, waana wax ka dhashay isbadal dabiici ah oo qofka ilaahay ku abuuray, haddii aad isku aragtid astaamahaan soo socdo, markaas la xiriir dhakhtar:
  • Kuus cusub oo naaska ka soo baxo oo aanan caadada la tagaynin
  • Dheecaan ama qoyaan ka yimaado ibta naaska.
  • Naaso xanuun aad ka hurdi la'dahay ama saamayn ku yeeshay nolol maalmeedkaaga.
  • Kuus hal naas ka soo baxay oo aan xiriir la lahay caadada

Hadduu xanuunka aad kuugu daran yahay, waxaad isticmaali kartaa paracetamol ama ibuprofen oo xanuun baab'iye ah.
Waxaa la ogaaday in cunnooyinka uu ku badan yahay fitamiin E-ga inuu yareeyo daqnashada naasaha iyo bararkooda, waxaana cunnooyinkaas ka mid ah:
  • Lowska
  • Koostada
  • Karootada
  • Sabuulka
  • Yicibta
  • Avocado-ha
  • Saytuunka iyo saliiddiisa
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com