Monday, February 22, 2016

Calaamadahaan khatarta ah haddii aad isku aragto xiliga uurka isbitaal ka gaar!

Haddii aad qabto ama la kulanto mid ka mid ah calaamadahan hoos ku xusan isbitaalka gaar:

Calaamadaha Khatarta" ah waxaa ka mid ah:
  • Xanuun joogto ah oo dhabarka hoose ah
  • Wax dhiig ah ama xinjiro ah oo farjiga ka imaada
  • Is beddel ama kordhid waxa ka soo baxa farjiga
  • Ibida "madheerta" oo buqda ama dillaacda
  • Majuujin ama "kor u dhifasho ilmaggaleenka"
  • Cunugga oo dhaqaaqiisu caadi ka yaraado
  • Qandho
  • Matag iyo/ama shuban isku xig-xiga
  • Xanuun markaad kaadshayso
  • Suuxdin iyo siririd
  • Madax-xanuun
  • Indho-madoobaad
  • Wax kastoo kaloo khalad u muuqda
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

Adigoon kaniini isticmaalin si fudud iska dawee madax xanuunka

Dhibaatada Paracetamol iyo Panadol-ka
Paracetamol-ka waa daawada ugu badan dunida ee loo isticmaalo qandho jabinta iyo madax xanuunka.
Barashtimoolka "Paracetamol" wuxuu la mid yahay daawooyinka kale oo waxyeello caafimaad wuu leeyahay inkastoo ay yar tahay laakiin haddii la badsado wuxuu keenaa dhibaatooyin halis ah oo ay ka mid tahay inuu beerka dhaawac gaarsiiyo ama howlgab ka dhigo, qofkane u dhinto.

Sababta aand maanta Paracetamol-ka ugu hadlayo waxay tahay in dadka qaar ay aaminsan yihiin in uusan wax dhibaato lahayn sidaas darteedna joogto loo caadeestay in la qaato oo ay dhici karto in maalintii la qaato tiro aada u badan oo qofta naftiisa halis galin karto.

Waxaan rabaa in qof kasta uu rumeysan yahay in aysan jirin daawo aanan waxyeello lahayn "side effects" haba kala darnaadaanee, laakiin haddii daawada qadartii loogu talagalay in ka badan laga qaato dhib la hubo ayay keentaa.

Waxaa la hubaa haddii aad maalin gudaheed aad qaadatid in ka badan 4000 mg in beerka uu dhaawac gaarayo, taasoo u dhiganto 8 xabo oo kaniiniga 500 mg ah.
Sidaas darteed dad baa u isticmaala in daawadaan ay isku dilaan iyagoo ka liqa tiro badan.

Markasta ku dadaal in aad raacdo talada dhakhtarkaaga oo aadan naftaada halaajinin, haddii aad leedahay madax xanuun joogto ah ama xanuun kalaba la xirr dhakhtarkaaga si daawooyin kala duwan laguu siiyo, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuun baabi'yiyaasha, waxa ay ku kala duwan yihiin, waxyeellada ay keenaan iyo waxa ay ka samaysan yihiin:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,773.0.html

Waxyaabaha kale oo uu keeno paracetamoolka la badsado waxaa ka mid ah, wareer, kaadida oo yaraato, sokorta oo dhacdo, kilyaha oo dhaawacmo ama howlgabo iyo jirka oo sumoobo.

Hadduu qofka la kulmo dhibaatooyinkaas waa in si dhakhso ah lagu geeyo isbitaalka qeybta degdegga ah si looga dhaqo daawada, haddii 24 saac ka soo wareegato wax ka qabasho ma lahan.

Dhibaatada ugu badan ee loo isticmaalo paracetamol waa "madax xanuunka", halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan noocyada madax xanuunka:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html

Si dabiici ah u daawee madax xanuunka
Waxaan rabaa labo talo oo la tijaabiyay oo faa'ido laga helay in aan halkaan ku sharxo oo madax xanuunka daawo u ah, kagana maarmi doontid kaniiniyada ad qaadan jirtay.

  • Ku daawaynta saliid macsarada: Waxaan tijaabo ahaan u arkay muddo badane aan soo diraasaynayay, dad badane wax looga gartay saliid macsarada, waxay aad ugu roontahay madax xanuunka ka dhasha fakarka, daalka, culeeska nolosha iyo shaqada joogtada ah, waxay joojisaa kana hortagtaa madax xanuunka loo yaqaano 'tension headache', waxayna siyaadisaa foojignaanta iyo wax fahmidda dhakhsada ah khaas ahaan u roon tahay ardayda ku jira xilliyada imtixaanaatka.
    Qaabka ugu waxtarka badan ee loo isticmaalo waa in saliidda aad madaxa ku shubatid habeenkii marka aad jiifsanayso, waa in qadar ku filan tintaada oo aad basada ka dareentid ku shubataa madaxa, kadibne aad maro kula xirtid sidaasne aad ku jiifsataa, xiritaanka waxay ka ilaalinaysaa saliidda in joodariga iyo barkinta aysan kaa gaarin, waxay kaloo saliida siinaysaa huur iyo kulayl ku filan in ay basada ka gudubto oo waxtar u yeelato.
    Subaxii marka aad ka soo toosto iyo maalintaa oo idilba waxaad dareemi doontaa ilaahay idinkiisa isbadal aadan weli horay u arag oo xaga firfircoonida, foojignaanta iyo madax xanuun la'aan iyo welwel yari, haddii aad ka mid tahay dadka maskaxdooda aadka uga shaqeysiiya ama howlo culus qabto ama ku jira shaqo stress leh, daawadaan waad ka faa'idi doontaa ee ku dadaal, iska hubi saliid macsarada aad isticmaalaysid in ay tahay mid saafi ah.
    Saliid macsarada waxay kaloo leedahay faa'idooyin badan oo aan la soo koobi karin ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3195.0.html
  • Isku daawee Sanjabiilka: wuxuu ka mid yahay geedaha dhifka ah ee cilmibaarayaasha isku raaceen inuu u roon yahay madax xanuunka, sanjabiilka oo shaaha lagu karsado, cunnada lagu garsao ama sidiisa loo isticmaalo waxay joojisaa madax xanuunka, ka hortag ahaane waa loo isticmaalaa, waxaa jirto shirkad ka samaysa capsule oo xanuun baabi'ye ahaan loo adeegsado, waxay cilmibaarayaasha sheegaan 250 mg oo sanjabiil ah inuu awood ahaan u dhigmo 400 mg oo kaniiniga "Ibuprofen" oo aad loogu isticmaalo xanuunada, waxay kaloo cilmibaarayaasha sheegaan haweenka aadka u istcmaalo sanjabiilka in aysan la kulmi xanuunka caadada sidaas awgeedne daawo ahaan loogula dardaarmaa in sanjabiil ay haweenku isitcmaalaan xilliga caadada u soo dhawdahay si xanuunka ay uga hortagaan, halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunka caadada:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2154.0.html

Ku dadaal in aad cunnooyinka dabiiciga ah ee daawada laga helo in aad ku dadaasho, annagane waxaan diyaar kuula nahay in aan wixii talo ah aan kaaga caawino arrintaas,


FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS 
WWW.somdoc.com