Thursday, March 10, 2016

Xanuunka Kala-goosyada lafaha





Xanuun aad ka dareento kalagoysyada ma ahan wax murqaha la xiriiro haddii aad leedahay shanqar, xanuun daqnasho leh markaa dhaqaaqdo ama kalagoyska aad dhaqdhaqaajiso, waxaana keeni karo xanuun kalagoyska noocuu rabo ha noqdo, ama cillad lafaha, seedaha ama ruugagga ah.

Xanuun roomaatiisam ama riix ah ama cillad dhareerka kala goyska ku jiro.

Lafo beel ama maadada kalsiyamta ama fitamiin d-ga oo ku gu yar.

Sidaa darteed waxaad u baahan tahay in lagugu sameeyo baaritaano lagu kala hubsanaayo xanuunadaas.

Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan jilba xanuunka iyo kla goysyada, si aad fikrad uga qaadato.
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html

Midda ku saabsan xanuunka naaska bidix, ma markaa jiifsatid ayaa dareemaysaa mise adigoo fadhiya xitaa haddii la dhaafo xilligii hurdada? Hurdo miyaa ku hayso mise waad soo jeedaa marka lagu qabanayo? Miisaankaaga ma culus yahay? Dhiig kar? Kolestarool ama xanuun thyroid miyaa qabtaa? mise lagaa baaray dhawaantaan?

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

Waxyaabaha sababa Koolbo-aaryada iyo sida ugu sahlan ee aad iskaga daweyn karto



Xanuunka aad tilmaantay sida aad u dareentay ayuu u jiraa laakiin ma ahan hawo feeraha gashay oo ku dhex dhaqdhaqaaqayso inkastoo sida qofka u dareemayo ay sidaas u eg tahay iyo sida ay ku billaabataba oo ah qofka oo ay ku dhacdo dabeel qabow isagoo kulul.

Koolba-aaryo xanuunka ay soomaalida u taqaano asakiisu waa af-talyaani markii la tarjumane waxay noqonaysaa "hawa qabow", waa nooc ka mid ah infekshanka galo feeraha, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa "Pleurisy" wuxuuna asiibaa xuubka ama dahaarka ku harayraysan sanbabka ee loo yaqaanno "Pleura" wuuna ka duwan yahay cudurka oofwareenka ama niyuumooniyada oo iyadu sambabka ku dhacdo.

"Pleurisy" waa caabuq ku dhaca xuubka sambabka oo ah laba dahaar oo aad u khafiif ah, xanuuno badan ayaa saameyn kara xuubabkaas oo ay ka mid tahay tiibishada, markaasne waxaa galo biyo inta u dhaxeysa labada xuub, waana laga miiraa qofka.



Qofka markuu dabeel qabow ku dhacdo waxaa dhaawac gaaro neerfaha quudiyo dahaarka sambabada, isagaa keeno xanuun qofka naqaska ku dhagayo khaas ahaan markuu qufaco ama neef jiido ama hindhiso ama dhaqdhaqaaq sameeyo, intaasne waa waxyaabaha sambabada dhaqdhaqaajiyo.

Sababta loo dareemayo maxay tahay?
Sambabka markuu dhaqaaqo ama is ballaariyo wuxaa is taabanayo oo is xoqoyo dahaarkii ku hareereesnaa sambabada qofkane wuxuu dareemaa xanuun siyaado ah oo qofka neefta isku celinayo maadaama dahaarka sambabka uu leeyaha neerfo aada u badan.

Marka ugu horreyso qofka wuxuu u baahan yahay xanuun baa'biye ka dajiya hambabka ma hurka hayo, kadibne antibiotic ayaa la siiyaa muddo toddobaad ah, qofka wuu ka baxaa xanuunkaan badanaa laakiin way jiraan dad uu ku soo laalaabto.

Waxaa muhiim ah inta aadan is dhihin xanuunkaan waad qabtaa in aad hubisid xanuuno kale oo badan oo u ekaan karo sida oofwareenta, qaaxada, wadna qabadka, gaastirikada iyo kuwa kalaba.

Marka qofka way ka bixi kartaa infekshanka laakiin dhaawac neerfaha gaaray ee sambabka wuu daba dheeraan karaa, daaweyntiisuna waa in aad samaysid wax loo yaqaano "Chest physiotherapy" oo ah jimicsi loogu talagalay feeraha iyo sambabada inkastoo buugaagta aysan ku qorneyn in jimicsiga noocaan ahi lagu daaweeyo koolba-aaryada laakiin waa wax tijaabo lagu arkay oo takhaatiirta qaar ay adeegsadaan, xanuun baa'biyaha waa xal ku meel gaar ah.

Badanaa qofka xanuunkaan ka cabanayo, baaritaananda waxba laguma arko sida dhiigga iyo raajada oo kale, tan ayaa keenta in bukaanka iyo takhtarka isku wareeraan, khaas ahaan markuu qofka xanuunsan uu aaminsan yahay in hawo feeraha uga aruurtay oo ku dhex wareeganayso, takhtarkane uu dhaho hawo feeraha gasho ma jirto!!.

Talooyin:
1- Iska ilaali in aad hawo qabow isku dhigtid adigoo dhididsan ama dhar khafiif ah wata.
2- Roob ha u bixin haddii uu naxan uu wato.
3- Darbi ha ku tiirsanin qabow adigoo feero qaawan ama dhar khafiif ah xiran.
4- Adigoo kulul ha isku dhigin mukayyaf.
5- Haddii aad qubaysatid is qallaji inta aadan banaanka u soo bixin.
5- Marka ugu horreyso aa dareentid xanuunkaan la xiriir takhtar si uusan kuugu daahin.

Midda ku saabsan in xanuunka uu wareego qoorta ma madaxa uu galo taasi ma ahan mid sax ah oo jirto.

Fadlan halkaan ka akhriso xanuunada u ekaan karo koolba-aaryada: 
1- Murqo-Xanuun
2- Koolba-aaryo
3- Wadna-Xanuun
4- Wadne-Qabad
5- Gaastiriko
6- Oofwareen
7- Qaaxo / Tiibisho
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM