Tuesday, February 23, 2016

Waa maxay dheef-shiid xumada iyo sida loo dawen karo?

Waa maxay dheef-shiid xumada?
Daaco-Shiirka waa xaalad timaado markii calooshu aysan sidii la rabay u shaqayn taasoo caafimaad ahaan loo yaqaanno "Dyspepsia" oo ah macnaheedu dheef-shiid xumo.
Waa xaalad raagto, calaamadaheeduna ay ka mid yihiin: bog xanuun, laabjeex, daaco qurun, lalabo iyo dibbiro.
Dheefshiid la'aanta waxay badanaa ka dhalataa cudurka laab-jeexa "Reflux" ama gaaska "Gastritis". waxay marmar calaamada u tahay cudurka gaas calooleedka "Peptic Ulcer".

Maxaa keeno dheef-shiid xumada?
Haddii da'daadu ay ka badan tahay 55 sano jir oo aad isku aragto calaamadahaan aan kor ku soo xusay waxaad u baahantahay baaritaan dheeraad ah maxaa yeelay dheef-shiid xumada waxay kaloo calaamad u tahay kaankarada ku dhacdo caloosha.

Daawooyinka qaar waxay keenaan dheef-shiid xumo, haddii aad qaadato daawooyin joogto ah la xiriir takhtarkaaga si aad u ogaato in dhibaatada ay kuu keeni karaan iyo in kale.

Dheef-shiid xumada waa xaalad caan ah oo ku dhacdo 4-tii qofba 1-qof xilli ka mid ah noloshiisa.

Sidee dheef-shiid xumada ku timaadaa?
Si aan u fahanto dheefshiid xumada waxa keeno iyo qaabka ay ku timaado, waa in aad fahantaa sida jirka u shiido cunnada ugana faaidayso.
Marka ugu horreyso qofka cunno cunno, ilkaha iyo calyada waxay ka qeyb qaataan si ay cunnada u jajabin lahaayeen oo ay u jilcin lahaayeen iyadoo calyada ay ku jiraan dheecaanno u qaabilsan cunno burburinta, kadib waxay sii martaa jadiinka ama tubada cunnada marto, kadib caloosha markay gaarto waxaa lagu soo daayaa aashito loogu talagalay cunno shiidka, kadib waxaa loo sii gudbiyaa mindhicirrada yaryar oo ay howshoodu ka mid tahay sidii cunnadaa shiidan jirka uga faaidaysan lahaa, xubinta ganaca ee loo yaqaanno "Pancreas" ayaa waxay soo daysaa dheecaanno u gooni ah cuntada aad cuntay nooceeda, sida dheecaanno burburin kara borotiinka, ama sonkorta ama dufanka ama kuwa kalaba.

Markii laga dhigo wax jirka uu ka faaidaysan karo ayay ka soo gudbaan mindhicirrada oo jirka lagu soo daraa, qaar toos ayaa looga faaidaystaa qaar kalane waxaa loo sii gudbiyaa beerka oo ah warshadda u qaabilsan jirka inuu cunnada u sifeeyo, suntane ka saaro, cunnada aanan loo baahnayne lagu keydiyo.

Sidaa darteed haddii cillad ka jirto meel ka mid ah intaa ay cunnada soo martay waxaa yimaado dheefshiid xumo, Tusaale hadduu xubinta Ganaca ay xanuunsan tahay, dheef-shiid xumo ayaa imaanayso.

Dheef-shiid xumada waxyaabaha keeno waxaa ugu horreeya cudurka Gaaska oo halkaan aad ka akhrisan kartid warbixin ku saabsan:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html

Takhtar la xiriir haddii aad isku aragtid:
Dheef-shiidku waa cudur sahlan oo badanaaba isk baaba'a iyadoo aan daawo loo qaadan, laakiin haddii aad isku aragtid calaamad ka mid ah calamadahaan soo socda, la xiriir takhtar sida ugu dhakhsiyaha badan:

# Haddii aad 50 sano ka weyntahay
# Hadii dhawaan aad lumisay miisaan badan adigoo ku talagalin
# Dhibaato aad kala kulantid wax laqidda
# Haddii aad leedahay matag aad u daran
# Haddii aad leedahay saxaro madaw ama dhiig leh
# Haddii aad calooshaada aad ka dareemaysid kuus ama wax adag.

Daacada dheef-shiid xumadu waxay ku xirantahay waxa keenay, daawada aad qaadato ee "Omeprazole" waa daawo lagu daaweeyo gaas calooleedku waxayna ka mid tahay daawooyinka loo isticmaalo laakiin waa haddii takhtar uu hubsaday in gaas calooleed aad qabto, dheefshiid xumadune uu kuu keenay.

Maxaa yeelay haddii dhibaato kale ay keentay dheefshiid xumadaada daawadaan "Omeprazole" wax kuu tari mayso.

Daawada Omeprazole haddii aad si qaldan u qaadatid waxaad la kulmaysaa: shuban, madax-xanuun, lalabo, calool xanuun iyo matag.
Waxyeellada qatarta ah oo ay leedahay daawadaan haddii aad joogteyso waxaa ka mid ah: xajiin, naqaska oo ku dhiba, feero xanuun, kaadi madow, wadna garaac, qandho, jarayn, cuna xanuun, maqaar fiiq, qalal, shuban fuuq bax ah, barar gacmaha iyo lugaha, cayil, tabardarri iyo aragga oo daciifo.

Talo:
Waxaad uga hortagi kartaa dheef-shiid xumo adigoo qaada tallaabooyinkaan hoos ku qoran:
# Jooji sigaar cabidda maxaa yeelay waa No-1 sababaha keeno dheef-shiid xumada.
# Haddii ay jiraan cunnooyin ay calooshaada dhibsato iska jooji.
# Ka yareey noloshaada diiqada iyo welwelka.
# Haddii aad qabto laabjeex, ha cunin cunto waqtiga aad hurdi rabo, barkin la'aanne ha jiifanin.
# Iyadoo takhtar kuu qorin ha qaadanin daawooyin lafa xanuunka sida Ibuprofen, Asprin, Naproxen iyo Ketoprofen.

Sidee uga hortagi kartaa inay neef ku qabato?

Neef ama Asma waa cudur ay marinnada hawadu ee gala sanbabadaadu ay cadhiidhi noqdaan ayna soo saaraan xab. 
Marka ay tani dhacdo, way adag tahay in aad neefsato. Waxyaabaha kicin kara neeftu in ay ku qabato waxaa ka mid ah xajiinta, hergebka, daawooyin, habaaska ama boodhka, catarka iyo baruufannada, qiiqa, kiimikooyin, jir dhis ama niyad kac.

Calaamadaha
• Neefsasho siyaado ah ama dhibaato neefsashada ka timaadda
• Xiiq ama neefsasho cod leh
• Quficid laga yaabo in ay ka sii darto habeenkii ama aroorta hore
• Feedhaha oo giigsanaan laga dareemo
• Wadna garaac
• Cune cun-cun
• Daal in aad dareento
• Madax xanuun

Waxaa laga yaabaa in aad calaamado badan oo neef ama asma aad qabto haddii aad:
• Xajiin ama xasaasiyad qabto
• Aad leedahay qof qoyska ka tirsan oo neef qaba
• Aad u nugushahay wasaqowga hawada
• Aad la kulanto qiiq
• Aad diiqo qabto 

Daryeelkaaga
Daryeelkaaga waxaa ka mid noqon kara:
• Qaadashada daawooyin kala duwan si:
? Marinnada hawadu kuugu furmaan
? Hoos ugu dhigaan jawaabta uu jidhku ka bixinayo xajiinta
? Hoos u dhigaan bararka marinnadaada hawada
? Hoos ugu dhigaan balqanka ama xabka
• Ogaanshada waxa sababa calaamadahaaga.
• Baarid xajiin.
• Isticmaalidda mitirka lagu hubiyo neefta, loogana hortago in neeftu ku qabato.
• Cabidda koob weyn oo cabitaan ah 1-2 saacadood ee kastaba. 
Tani waxay kaa caawinaysaa in xabku uu khafiifo. Xab khafiif ah way kuu fududaanaysaa in aad qufacdo oo uu kaa soo go’ o wuxuuna hoos u dhigayaa bararka sanbabadaada. Cabitaannada cad ayaa ugu fiican, sida biyaha, casiirka furutada, shaaha, maraqa ama maraq cad.
• Ka fogaanshada waxyaabaha laga sameeyo caananaha marka aad xiiq leedahay maxaa yeelay waxay ballaarin karaan xabka.

Si aad uga hortagto Neef in ay ku Qabato
• Daawada neefta mar walba wado. Qaado daawooyinka kuu qorsheysnaa xataa haddii calaamaduhu kaa tagaan.
• Ka fogow cabidda sigaarka, shiishada ama qiiqa sigaarka.
• Ka dheerow cuntooyinka, daawooyinka ama waxyaabaha kuu keenaya in calaamadaha neeftu kuu yimaadaan. Kuwaan waxaa loo yaqaannaa kiciyeyaal.
• Ka fogow taabashada dadka hergebka ama ifilada qaba.
• Naso oo cab cabitaanno fara badan marka ugu horreysa ee calaamado hergeb aad isku aragto.
• Ku neefso safaleeti ama wax kale oo la isku daboolo cimilada qaboobaha.
• Takhtarkaaga kala hadal jir dhiska si aad u xoojiso sanbabadaada.
• Diiqada iska yaree.

Isla markiiba aad cusbitaalka haddii aad:
• Isku aragto qufac, xiiq ama neefsashadu kugu adag tahay.
• Dareensan tahay in aad qaadato daawooyin ka badan kuwii uu takhtarku kuu amray.
• Heerkulka jidhkaagu uu ka sarreeyo 101 darajo F ama 38 darajo oo C.
• Isku aragto xab aan caddeyn ama kala cad ama aad ugu weyn in la qufaco.
• Dhibaatooyin ay daawooyinku keeneen qabtid sida gariirid, jahawareer, isku yaacsanaan, calool kacsan ama dhadhanka oo kugu xumaada.
• Aadan awoodin in aad sameyso hawlahaaga caadiga ah ama jir dhiska.

Isla markiiba tag ama la xiriir qeybta gargaarka dagdaga haddii:
• Aad isku aragto xiiq daran, neefsashada ama qufacu kugu adkaadaan.
• Aad isku aragto laab xanuun.
• Ay faruuryaha ama ciddiyaha faruhu boor ama buluug ku noqdaan.

Talooyin:
Xanuunka Neefta wuxuu ka mid yahay xanuunnada qofka ku raaga illaa iyo hadda lama garanayo qaab looga bogsado inkastoo ay jiraan xaalado ka caafmaada oo aan dib loogu arkay, waxaana badanaa lala xiriiriyaa jawiga oo is badalo ama qofka oo ka guuro meel uu dagganaa ama ku noolaan jiray.
Neefta waxay ku badan tahay wadamada hormaray ama caruurta ku dhalata meelaha nadiifka ah ama nadaafaddooda lagu dadaalay, sababtuna waxay cilmibaarayaashu ay sheegaan in neefta ka timaado xajiin la rabay in jirka uu la qabsado markii qofka uu yar yahay, sidaa awgeed waxyaabaha xajiinta jirka bari lahaa waa lala dagaallamadaa dunida hormartay iyadoo meel kasta lagu dhaqo ama lagu tirtiro daawooyin kiimiko ah, waxay kaloo sheegaan in wadamada wax soo saaro oo warshadaha leh in neefta ay ku badan tahay taasoo loo aanaynayo hawada wasakhaysan, sidaa awgeed waxaa jirto qaabab cusub oo aan daawo ahayn oo takhaatiirta qaar ay u adeegsadaan in lagu daaweeyo neefta.
Fadlan takhtarkaaga kala tasho neeftaada nooceeda iyo heerka ay marayso haddii aad dareento in daawooyinka aad la qabsatay ama wax ay kaa tari la'dahay.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOAMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com