Friday, February 19, 2016

WAX KA OGOW ILMAHA KU DHASHA MIISAANKA YAR?

Maxaa lagu gartaa ilmaha ku dhasha miisaanka hoose?
Ilmaha ku dhasha miisaan ah 2500 oo graam ama 5½ pounds ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay ilmo miisaan hoose ku dhasha. Miisaanka wanaagsan ama caadiga ahi wuxuu muhiim u yahay ilmaha caafimaadkiisa iyo koritaankiisa.
Hooyada uurka lehi waxay kaga hor tagi kartaa inay dhasho ilmo miisaan hoose iyadoo ilaalisa nafaqadeeda, ka fogaata qiiqa sigaarka iskana dhowrta fakarka faraha badan (stress).

Maxaa Ka Mid ah Waxyaabaha Keeni Kara Inuu Ilmuhu ku Dhasho Miisaan Hoose?
Waxa cilmi baarayaashu muujiyeen ama ay qeexeen in ay sababo badan keeni karaan miisaan hoosaynta ilmaha, sababahaa waxaa kamid ah hooyada uurka leh oo ay ku dhacaan waxaayabahan hoos ku xusan:
• Nafaqo daro
• Wal wal ama walaac (stress)
• Dhaqaalo xumo
• Cidla iyo hooyada oon helin dad ay ku tiirsan tahay oo caawiya
• Hadii ay hooyada uurka lehi sigaar ama khmaro cabto
• Hooyada oo mataanaysa
• Hooyada uurka leh oo ka shaqeeysa shaqo ay taagan tahay

Maxay Miisaan Yaradu ku Keeni Kartaa Ilmaha, Qoyska iyo Bulshada?
• Carruurta dhalata iyagoo miisaan yar ayaa ugu badan carruurta dhimata iyagoon sanad gaarin
• Cuduro farabadan ayaa ku dhaca carruurta ku soo dhalata miisaanka yar
• Carruurta ku soo dhalata miisaanka yar waxay khatar ugu jiraan in ay laxaad beelaan taasoo dhibaatooyin farabadan soo gaarsiin karta
koritaankooda
• Boqolkiiba shan iyo todobaatan (75%) cudurada iyo dhimashada saameysa carruurta yar yar waxaa sababa miisaan yari iyo dhicisnimo
• Qoyska uu u dhasho ilmo culeys yar waxay maraan marxalado caadifadeed oo adg, sababtuna waxaa weeye waxay aad uga walwalaan ilmaha caafimaadkiisa iyo korintaankiisa guud
• Qoyska dhala ilmo aan caafimaadkiisu fiicnayn waxay la kulmaan marxalado adag oo ay ka mid yihiin in dhaqaalohoodu hoos u dhaco.

Maxaad Kaga Hor Tagi Kartaa Inaad Dhashid Ilmo Miisaan Yar?
Carruurta ku dhalata miisaan yaradu way sii kordhaysaa baryahan. Sida kaliya ee lagu yarayn karaana waa in uu qofku helo macluumaad u
sheegaya waxyaabaha keeni kara miisaan yarida ilmaha. Hooyada uurka leh oo la caawiyaa waxay saameyn kartaa bulshada oo dhan. Qodobada soo socda waxay si fudud kuu tusayaan sidii aad u caawin lahayd una war galin lahayd qoyskaaga, dariskaaga iyo asxaabtaada una caawin lahayd sidii ay dumarka uurka lehi isaga ilaalin lahaayeen waxyaabaha keeni kara inay dhalaan ilmo miisaan yar.

Hooyada Uurka Lehi Waa Inay:
• Ogaataa waxyaabaha keena inuu ilmuhu ku dhasho miisaan yar iyo siday uga hor tagi lahayd
• Barato sidii ay u daryeeli lahayd caadifadeeda, iskana ilaaliso wixii u keeni kara walwal iyo walaac (stress)
• Waydiiso deriska in ay ku caawiyaan hawsha guriga iyo carruurta
• Samaysato wakhti ay nasato, hawl adduun madhamaato, u tur naftaada

Kaalinta Aabaha
• Ogow waxyaabaha keeni kara inuu ilmuhu ku dhasho miisaan yari iyo sidii looga hor tagi lahaa
• Baro sida lagu garto calaamaadka sheegaya inay hooyadu dhicin karto
• Kordhi caawimaada aad siiso xaaskaaga markay uurka leedahay
• Isku day inaad ka ilaaliso wixii ku keeni kara wal wal iyo walaac (stress)
• Ka hay carruurta intay nasanayso
• U wehel yeel markay u baxayso inay soo lugayso, ogowna inay u baahantahay jimicsi (exercise)

Kaalinta Asxaabta iyo Dariska
• Waxaad ku caawin kartaa hooyada uurka leh in aad hawsha guriga ama carruurta ka caawiso
• U sheeg inaad diyaar u tahay in aad caawin doonto markay kuu baahato

Waxay dadka intiisa badan rumaysan yihiin
Ilmuhu inuu miisaan yaraado iyo inuu miisaan badnaado ilaahay baa ku shaqo leh, qofna waxba kama qaban karo

Runtu Maxay Tahay
Diinta Islaamku waxay ina faraysaa in aynu daryeelno caafimaadkeena. Waxaa aad u muhiim ah inaad caafimaadkaaga ilaaliso inta aad uurka leedahay si uu ilmahaagu caafimaad ugu soo dhasho. Waxaa muhiim ah in uu ilmuhu ku dhasho miisaan wanaagsan si uu ugu koro caafimaad iyo cudur la’aan. Waa masuuliyad ina saaran, hadaynu nahay dad Muslim ah in aynu barano waxyaabaha keeni kara inuu ilmuhu ku dhasho miisaan yar oo aynu caawinno hooyada uurka leh. Waa inaynu kuligeen ka qayb qaadanaa sidii aynu u hore marin lahayn caafimaadka hooyada iyo ilmaha dhalanaya.

Waxay dadka intiisa badan rumaysan yihiin
In hadday hooyada uurka lehi cunto cunno nafaqo leh uu ilmuhu caloosha ku waynaanayo, taasoo keeni karta in uu ilmuhu soo dhaafi waayo hooyada oo markaa la qalo. Sidaa daraadeed ayay waxay dad badani aaminsan yihiin in ay hooyada u roontahay inay dhasho ilmo miisaan yar.

Runtu Maxay Tahay
Siday dhakhaatiirtu caddeeyeen wax xiriir ah kama dhexeeyo cuntada hooyadu cunto iyo in ilmaha lagu qalo, fooshuna kuma fududaato inuu ilmuhu miisaan yaryahay. Hooyada uurka lehi waa inay cuntaa cunto nafaqo leh oo noocyo badan. Hooyada oo nafaqadeeda ilaalisaa waxay u fiican tahay caafimaadkeeda iyo ilmaha caafimaadkiisa.

Waxay dadka intiisa badan rumaysan yihiin
In aanay dhibaato lahayn in uu ilmuhu miisaan yaryahay markuu dhasho, isla markaana ilmaha
miisaanka yari uu hore u kori og yahay.

Runtu Maxay Tahay
Ilmaha dhasha isagoo miisaan yar wuxuu khatar ugu jiraa caafimaad darro muddo badan dabo socota, taasoo keeni karta dhibaatooyin dhaqaale iyo walwal oo saameeya qoyska iyo bulshada oo dhan. Waxaa kale oo miisaan yaridu keeni kartaa in ay ilmaha noloshiisa khatar gasho, ama uu geeriyoodo.

Waxay dadka intiisa badan rumaysan yihiin
Hooyada uurka lehi uma baahna in ay dhakhtar tagto hadaanu wax xanuun ahi hayn.

Runtu maxay tahay
Waxay hooyadu kaga hor tagi kartaa inay dhasho ilmo miisaan yar iyadoo dhakhtarka u tagta markay ogaato in ay uur leedahay, isla markaana ay had iyo jeer gafin ballanka dhakhtarka ilaa inta ay ilmaha ka dhalayso.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH 

MAXAA KA JIRA JAMASHADA DUMARKA XILIGA AY UURKA LEEYIHIIN?

Jamashada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa"Pregnancy Cravings" waa arrin jirta oo haween badani oo uur leh lagu arko laakiin khuraafaad badan iyo waxyaabo aanan jirin oo caado dhaqameed u badan ayaa lagu daray.

Jamashada caadiga ah ee la yaqaano waa in hooyadu ay marka ay uurka leedahay ay jeclaato cunnooyin gooni ah sida jallaatada, barafka, raqayga, liin dhanaanta, isbaandhayska iyo waxyaabo kalaba.

Tani waa arrin jirto oo la dareemi karo, haweenta uurka leh way ka qabanaysaa waxyaabahaas oo iskama celin karto, waana in loo keenaa ama ay raadsato.

Cilmiga caafimaadka ah uma hayo fasiraad lagu fahmi karo sababta ay maskaxda haweenta uurka leh ugu dhagan tahay cunto gooni ah laakiin cilmibaarayaasha qaar ayaa sheego in ay tilmaamayso in hooyadu ay ka maqan tahay waxyaabo nafaqo gooni ah oo laga helaayo cunnooyinkaas qaar, sida haweenka ku waasho in ay cunaan dhuxusha oo la tilmaaamo in ay astaan u tahay dhiig yarida.
Marka waa laga yaabaa wax gooni ah oo cunnadaas ku jirto in ay hooyadu jirkeeda u baahan yahay, waa arrinta ugu dhow ee ay dhakhaatiirtu ku sheegaan laakiin cilmigeeda saxda ah eebbe ayaa og.

Maadaama cunno jamashadu ay tahay wax aanan keeni karin dhibaato caafimaad, hooyadu lagulama taliyo in ay iska dhaafto oo wax dhib ah looma arko.
Laakiin haddii ay hooyadu bilawdo in ay cunto waxyaabo dhibaato u keeni karo iyada ama uurjiifkeeda sida dhuxusha, dhagaxa, jeestada, goomaha, saabuunta, dhoobada iyo wixii la mid ah waa in laga celiyo oo fitamiino iyo iron/bir loogu badalo oo daawo ah haddii ay hooyadu uur leedahay.

Badanaa jamashadaan waxaa la dareemaa bilooyinka hore ee uurka, waxayna soomaalidu u taqaanaa in hooyadu ay ku wallacday cunto gooni ah, wayna kala duwanaan karaan haweenku, qofbaa laga yaabaa in uur kasta uu u baahdo cunno gooni ah, meesha qaar kale ay dhici karto in uurkiiba ay cunno gooni ah ku wallacaan.


Haddii aan u gudbo qeybta kale ee jamashada ee aan raad ku lahayn caafimaadka oo caado iyo khuraafad salka ku hayo waa midda aad tilmaantay oo ah in hooyadu haddii ay jamato wax in loo soo gado oo aan cunno ahayn sida dahab, saacad, dhar iyo wixii la mid ah in fooshu ay dhib noqonayso ama in waxa ay dalbatay in ilmaheedu ku sawirmayo.
Taasi ma ahan wax sax ah ee waa khuraafaat.

Ilmaha ku dhasho barta waa arrin sideeda u jirto waana wax caafimaad ahaan la yaqaano waxaana loo yaqaanaa "birthmark", ka akhriso halkaan qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay waxay ay tahay barta ay caruurta ku dhashaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,760.0.html

Caado dhaqameedkaan waxaan ku arkay wadamo kale oo soomaalida wax u gooni ah ma ahan.
Waxayna ka mid tahay caadooyin badan ee lala xiriiryo uurka sida in hooyada aanan la tusin qorax madoobaad haddii kale ilmo faruuran ayay dhalaysaa iyo wax la mid ah.

Ilmaha qaabka ay u dhashaan iyo iinta ay ku dhashaan waa abuuris ilaahay kuma xirna hooyada wax ay sameysay ama wax aynan samayn intaba.

Caadooyinka noocaan ah ee aan asalka lahayn waxay mararka qaar keeni karaan in ay halis hooyada galiyaan, hadda ka hor hooyo foolan wayday ayaa waxaa la yiri waxay jamatay in ay aragto eeyadeed oo dagan meel tuulo ah, gabadhii ayaa gaari lagula cararay si ay ayeeyadeed u soo aragto si ay foosha ugu sahlanaato, markay ka soo laabatay inta ay jidka ku soo jirtay ayay dhiig baxday markay isbitaalka degmada soo gaartayne cunugii waa ku mayday!!!.

Bulshada hala wacyi galiyo khuraafaatka iyo caado dhaqameedyada caafimaadka iyo diinta u daran.
Waxaan eebe idinkaga rajaynayaa ubad caafimaad qabo.