Sunday, February 28, 2016

Sidee iskaga daweyn kartaa Boronkiitada

Boronkiito waa soo bararidda dhinacyada marinnada hawada ee loo yaqaanno bronchioles ee ku jira sanbabada. Bararku wuxuu keenaa
dheecaan ka badan kan caadiga ah inuu sameysmo. Kaasi wuxuu xannibi karayaa maritaanka hawadu ay mari lahayd sanbabada waxaana laga yaabaa iney waxyeello u geysato sanbabada.

Boronkiito daran waxay qaadataa 2-4 toddobaad waana la daaweyn karaa.
Boronkiitada daahda waa cudur waqti dheer ee sanbabada. Waa mid ka mid ah cudurrada koox cudurro sanbabbo ah oo loo yaqaanno COPD ama cudurka sanbabka xanniba ee raaga (chronic obstructive pulmonary disease).
Waxyeelladu badanaa waxay ka sii dartaa waqti ka dib, lamana daaweyn karayo.

Calaamadaha Boronkiitada
• Qufaq is-daba-joog ah
• Daal dareemid
• Feero xanuun leh qufac ama neefsasho qoto dheer
• Neefsasho dhawaq leh
• Neefsashada oo kugu gaabata
• Jir xanuun
• Qandho ama qar-qaryo
• Cune xanuun
• San biyo ka dareerayaan ama cabbursan

Sababaha keena Boronkiitada
• Dhaawac bakteeriyo ama fayras
• Sigaar cabid
• Hawo wasaqowda
• Xajiin wax hawada ku jira laga qaado
• Cudur sanbab sida Neefta ama sababada oo dhaawacma 

Daryeelkaaga
Daryeelkaaga waxaa ku jiri kara daawooyin iyo jimicsiyo neefsasho si lagaaga caawiyo in aad si fudud u neefsato. Waxaa laga yaabaa in aad u baahato ogsijiin haddii aad qabto boronkiito daran. Daryeelkaaga waxaa sidoo kale laga yaabaa iney ku jirto:
• Ka fogaanshada hergebka iyo ifilada.
• Cabidda cabitaanno fara badan si xabka loo khafiifiyo.
• Isticmaalidda huur bixiye ama uumi bixiye.
• Isticmaalidda biyo saare iyo feero riixe si loo dabciyo xabka sanbabadaada ka imaanaya. Waa lagu bari doonaa sida taas loo sameeyo.

Si aad si Fudud ugu Neefsato
• Jooji sigaar cabidda. Habka keliya ee hoos loogu dhigi karo waxyeellada boronkiitada daran waa in la joojiyo sigaar cabidda. Marna lagama daaho in la joojiyo.
• Ha cabbin aalkolo. Waxay uga sii dartaa baahida loo qabo in qufaca iyo hindhisadu ay banneeyaan marinnada hawada. Waxay sidoo kale keentaa in jidhkaagu lumiyo dheecaanno, iyadoo xabka sanbabkaaga ku jira ka yeeleysaa mid dhumuc weyn ayna adag tahay in la soo qufaco oo la tufo.
• Ka fogaanshada waxyaabaha lura sanbabada sida wasaqowga hawada, habaaska iyo gaasaska.
• U seexo iyadoo jirkaaga qaybta kore ay kor u qaadan tahay. Isticmaal barkin ama madaxa sariirtaada kor u qaad.

Isla markiiba wac takhtarkaaga haddii:
• Ay qar-qaryo ama qandho ka sarreysa 101 darajood oo F ah ama 38 darajood oo C ah ay ku qabato
• Aad u baahato in aad in badan isticmaasho daawada neefta la isaga buufiyo ama daaweynta neefsashada
• Aad leedahay xab badan, midabku isbeddelo, ama ay aad u adkaato in uu qufac kaaga soo fuqo
• Aad isku aragto midab danbas ama buluug ah oo cusub ama ka sii daraya ee ciddiyahaaga ama maqaarka farahaaga ama afka
• Ay dhibaato kaa qabsato hadlidda ama qabsashada hawlahaaga caadiga ah
• Ay tahay in aad isticmaasho barkimo badan markaad hurdeyso ama aad billaabayso in aad ku seexato kursi si aad u neefsato habeenkii.

Si dhakhso ah u aad isbitaalka haddii:
• Aadan neeftaada heli karin
• Aad noqoto mid jahawareersan, ama aad dareento miyir beelid
• Aad feero xanuun ama feero giigsan qabtid

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

Madax xanuunka joogtada ah!

waxa si toosa iigu kiciyo ma jiraan laakin wuxu aad iigu badanyahay xiliyada qaboobaha ma jiraan wax xanuuna oo kale oo aan qabaa , iyo wax daawooyin ah toona hurdadaydu way wacantahay hurdo igu filan Ayaan seexda dhib kuma qabo ,baaritaanada aan maray waxa ka mid ah sawiro X-ray madaxa iyo qoorta layga qaday iyo qaar xaga murqaha ah iyo dhabarka baadhitaanka X-Ray ga ah waxba ma qabtid ayaya dhaheen  markaa kuwa murqaha ee wax duuga ayay ii dirin qolo khaas ku ar qoorta iyo dhabarka kuwaasi waxay yidhaahdeen   qoorta dhinaca midig ta ah ayaa muruqu adkaatay taasaa keentay madax xanuunka 8 jeer ayaya yidhaahdeen walagu duugaya markaan dhamaystayna wax isbadala mahayo waa sidii uun , waxyaalah aanan marka hore kuu sheegin ee aan qabo waxa ka mid ah wareer mararka qaar kood aan dareemo khasatan hadaan kubad ciyaaro hadaan  ordo iyo wixi la mid ah , wax nabar wayn ah oo iga gaadhay ma jiro marka laga reebo dakhar yar oo yaraantaydii madaxa iga gadhay . Mudadaa shanta sano ah wakhti aan ka ladnaa ama uu yara way jirtay laakin wakhti aanan daraamini ma jirin, mar walba iyo saacad walba madaxu sidii wax mashquula ayuu guuxaya , waxaan doonaya inaan kaaga mahad celiyo jawaabtaada in badan  ayaad mahadsantihiin walaal
wixi kale ee suaalo ahna waad isoo waydiin karta walaal thnx

Re: Madax xanuun joogto ah
« Reply #3 on: November 20, 2014, 04:01:34 PM »
Way dhici kartaa in xanuunka uu a yimaado murqaha giigsan, laakiin waxaa kugula talin lahaa in baaritaan lagugu sameeyo, sababtoo ah, raajada (x-ray) badanaa seedaha margiyada qoorta warbixin fiican kama bixiso marka in lagaa saaro scan sida MRI oo kale.

Mida xigta maadaama aad tiri dhagaha guux ayaan ka dareemaa, markuu madaxa i xanuunayo iyadane in aad kala xiriirtid takhtar E.N.T oo ku taqasusay dhagaha, sanka iyo dhuunta, maxaa yeelay haddii xanuun ka jiro dhagaha, calaamadaha aad sheegaysid way yeelan kartaa.

Waxaa intaa sii dheer, calaamadaha aad dareemeyso sida murqaha giigsan, madax xanuunka muddada dheer ku soo hayay wuxuu ka imaan karo haddii ay jiraan welwel iyo stress, oo badanaa madax xanuunka noocaas ah waxaa lagu daaweeyaa daawo nafsi ah oo qofka dajisa, badanaana waxaa la arkay in madax xanuunka uu ka tago.

Ugu dambayn, taladayda waa in aad ku laabatid takhtarkaagii hore oo aad u sheegtid wax isbaal ah inaadan ku dareemin jimicsigii iyo haddii aad u baahan tahay baaritaanno dheeraad ah, haddii aad isleedahay takhaatiir kale ayaan u tagayaa iyadane waa fikrad kale, laakiin waxaad ku dadaashaa markaa takhtar u tagaysid in warbixintaada oo dhameestiran iyo madax xanuunkaaga heerarka uu soo maray muddoyinkii aad xanuunsaneyd oo dhan iyo wixii takhaatiirtii hore kugula taliyeen u sheeg oo al wadaag warbixintaas, waxay takhtar ka caawinaysaa inuu baaritaano iyo qaaban ka duwan takhaatiirtii hore kugu dayo.

Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM