Friday, March 4, 2016

Su'aal: Xilliga uurka iyo Haweenayda Shaqayso?

Qoraalkeenu wuxuu ku saabsan talo iyo tusaale ku socdo hooyada uurka leh oo hadane shaqaysato.

Marka su'aashu waxay tahay: Sidee haweentu u shaqaysan kartaa iyadoo shaqadaas aysan saamayn ku yeelan nafteeda iyo uurjiifkeeda?

Inkastoo haweentu marka ay uur leedahay u baahan tahay in ay hesho nafaqo iyo nasiino ku filan caafimaadkeeda iyo korriimada uurjiifkeeda, laakiin waxaa jiro hooyooyin shaq u kallaha subax kasta oo ay dhici karto in ay caruur kale biil u raadiso.

Dhibaatooyinka ugu badan hooyadu waxay dareentaa 3-da bil ee ugu horrayso iyo 3-da bil ee ugu dambayso.

3-da bil ee ugu horrayso waxay hooyadu tacbaan la noqon kartaa wallaca, halkaan ka akhriso talooyin ku saabsan la tacaalidda wallaca:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,200.0.html

Waxay hooyadu dareemi doontaa daal iyo tabardarri aysan horay u lahayn, tan in aad la yaabtid ma ahan maadaama jirkaagu uusan awood buuxda u lahayn inuu bixiyo tamartii aad horay u bixin jirtay inta aadan uur yeelay, waxaana hooyada lagula taliyaa in ay cunto cunnooyin ka buuxaan birta si dhiig yari aysan ugu dhicin, Akhriso cunnooyinka laga helo birta:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html

Waa in aad qaadataa waqtiyo kooban oo nasasho ah, isku day in aad fadhiisato meel aan buuq lahayn, iftiinkuna ku yaryahay, kabaha iska siib, cagaha meel saaro haddii aad awoodid, arrintaan waxay ku siin doontaa awood dheeraad ah.

Ku dadaal cabista biyaha badan, maadaama cadaadiska dhiigaagu uu hoos u dhici karo markaa uurka leedahay oo aadna shaqaysatid.

Waa in aad heshaa inta u dahxayso 7 illaa 9 saacadood oo hurdo ah si aad subaxii u soo toostid adigoo firfircoon oo awood u leh shaqada aad u socoto, sidaa darted, hooyada shaqaysato waa in ay hurudaa waqti hore habeenkii, marka aad jiifanayso cajirradaada kala dhexyadooda barkin gasho, tani waxay ku siin doontaa hurdo aadan ka soo toosin.

Hooyada uurka leh waa in ay qofka u shaqeeso ogaysiisaa in ay uur leedahay markii ay ka gudubto sadax bil ee hore, si qofkaas ugu turo una ogaado in aad uur leedahay, haddii aad dalbatid nasiino ama fasax dheeraad ah, tan waxay kaa cawinaysaa in niyada ay kuu dagan tahay mar walba.

Iska ilaali fadhiga iyo istaaga badan, samay lugo baxsi iyo dhaqdhaqaaq, dhakhtarkaaga kala tasho meesha aad ka shaqaysid iyo howsha aad qabatid haddii ay saamayn ku leedahay caafimaadkaaga.

Waxaa hooyada lagula taliyaa in ay fasax qaadato markii bil ay ka dhimantahay foosheeda si ay isugu diyaariso xaaladda foosha, waana muhiim in aad dhakhtarkaaga uurka toos ula xiriiri jirtay uurka aad ku shaqaynaysay.

Haddii hooyada aysan iska taxadarin oo shaqadeeda kala habaysan, caafimaadkeedane aysan ka fakarin, shaqada waxay saamayn kartaa hooyada uurka leh caafimaad ahaan iyo uurjiifka oo korriinkiisa saamayn ku imaan karto, sida dhiigyarida, miis yarida, dhicisoobidda iyo xanuuno kalaba.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com

Su'aal: Maxaa sababa qarowga iyo calwasaadka?

Qarawgga iyo argagaxa habeenkii (night terrors) waxa uu dhacaa marka qofku si kedis ah u tooso isaga oo qaylinaya, dawakhsan ama fiigsan, Calwasaadku waa markii qofku uu hurdada ku dhex hadlo (Somniloquy) ama hurdo socodka (Somnaambulism). 
Qarawgu iyo Calwasaadku waa laba arrin oo kala duwan oo si kala duwan loo maareeyo.

Labadaba caruurtu way ku dhacdaa, haddii cunuggaagu uu qabo calwasaad kaliya oo aan la socon wax kale wax dhibaato ah ma lahan wayna ka baaba'aysaa, boqolkiiba 4% ka mid ah caruurta way sii wadaan calwasaadka illaa inta ay ka qaan gaarayaan. 
boqolkiiba 50% ka mid ah caruurta oo idil way calwasaadan waqti ka mid noloshooda.

Haddii calwasaadku uu leeyahay hurdo socod oo cunugga uu ka soo istaago sariirtiisa waa arrin u baahan in laga taxaddaro maadaama laga yaabo in uu is dhawaaco ama meel ka dhaco sida balkoonada oo kale iyadoo aan laga warqabin.
Hurdo socodku waxaa dhici karto in qofka uu holwo qabsado habeenkii isagoo hurda, waa lagu kala duwan yahay, waxaa dhici karto in qofka uu dhar gashto kadibna uu ka baxo albaabka, markii lagu soo tooso shanqartiisa oo lala hadlane inusuan kuu jawaabin ayaa dhacdo maadaama uu hrudo, markii la toosiyane war uma hayo waxa uu qabanayay iyo meesha uu u socdo, dadka noocan ah waa halis hurdo socodkodoa waana in laga xiraa albaabada, lalana kaastho qof ku takhasusay cilladaha hurdada "sleep therapist"

Hadalka calwasaadku wuxuu noqon karaa hadal kooban ama hadal dheer oo laga yaabo qofka dhagaysanayo inuu fahmo ama uusan fahmin labadaba.

Calwasaadku wuxuu ku badanyahay qoysas gooni ah oo waa arrin dhaxalka la xiriirta, wuxuuna ku badanyahay carruurta da'da iskuulka ah, haddii wax kale aad ku aragtay cunuggaaga aan ka ahayn isla hadliddaas isagoo hurda markaas dhakhtar waad kaal kaashan kartaa.

Qarawgu ama calwasaadku marmarka qaar wuxuu la xiriiraa nolol maalmeedkaa maalintaas, khaasatan haddii ay ahayd maalin ka duwan maalmihii caadiga ahaa oo uu qofka daal kala kulmay ama raad ku reebtay maskaxda qofka wixii uu sameeyay, tasaale hadduu qofka la tacaamulay ama la kulmay bulsho aad u badan ama ka qeyb galay meel ay bulsho iskugu timid sida banooni daawashada, xafladaha iyo kulannada iskuulka.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCORS
WWW.somdoc.com