Shakiga badan iyo waswaaska waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Obsessive Compulsive Disorder" tan oo lagu macneeyo Ciladda Qofka Maskaxda Uga Taagan Oo sidoo kale loo yaqaan: OCDCiladda qofka maskaxda uga taagan (OCD) waa nooc ka mid ah wallaaca.Haddii aad qabto OCD, oo aad qabtid, fakar soo noqnoqda oo murugo leh ee loo yaqaan walwal taagan.Waxaad si soo noq-noqota isku daydaa isla wixii si aad isugu daydo in uu fakarka ku daayo. Tallaabooyinka soo noq-noqda waxaa loo yaqaan kuwo aad ku khasban tahay.Tusaale ahaan fakarka kugu taagan waxaa uu noqon karaa cabsi aad ka qabto jeermiska ama cabsi aad ka qabto in lagu xanuujiyo.Waxyaabaha aad ku khasban tahay in aad sameyso ayaa waxaa ka mid ah gacmahaaga oo aad si joogto ah u dhaqdo, in aad wax tiriso, alaabta oo aad iska eegto ama nadiifiso.Tusaale ahaan waxay aad uga muuqataa dadka weysada dhib kala kulmo oo ka shakiya in dhowr jeer ay xubnahooda dhaqaan iyagoo aamisan in weli weysada aysan sax ahayn oo meelo jirka ka mid ah sidii la rabay loo dhaqin.Waxaa ka mid ah salaada markii la xiranayo oo iyadane ay qofka inuu niyeystay iyo in kale ay dhib ku tahay taasoo keeni karto in salaadda dhowr jeer xirto.Waxaa ka mid ah in qofka uu wax kasto inuu tiriyo jecel yahay oo meel hadduu soo galo wixii is leh inuu tiriyo ama wixii tirsami karaba inuu tiriyo ama lacag tiris ha ahaato ama wax kalaba.Waxaa kaloo ka mid ah in wixii isleh uu jecel yahay qofkaani inuu isku aadiyo, haddii kale niyadda uma dagayso sida mathaln wax isku midab ah in aysan is raacin oo kale, sida ka muuqato sawirkaan hoose:
Haddii aan la daaweyn, OCD waxay la wareegi kartaa qaab nololeedkaaga.Dadka wax darsa waxay ku fakaraan in dadka qaba OCD aysan maskaxdooda si fiican u shaqeynin.Badanaa reerka ayaa isu gudbiya. Caadi ahaan waxay calaamaduhu billawdaan carruurnimada ama xilliga qaangaarka.Caadi ahaan waxaa waxtar leh daawooyinka iyo nidaamka daaweynta ee isku jira.
In aad la kaashato xanuunkaaga takhtar ku taqasusay cudurrada maanka waa muhiim si uu kaaga taakuleeyo dhibka aad daeemeyso.daaweyntu waa 3 nooc, mid waa daawada kaniiniga ah (medication), midna waa dabciga oo la badalo (Cognitive behavioral therapy), midna waa (Psychotherapy).In labada qeyb oo ugu korreysa la isla isticmaalo waa midda ugu muhiimsan daawenta cilladaan.Tusaale ahaan: Dabciga badalidda ayaa waxaa loo sameeyaa qaab ah in qofka lagu dhaliyo ama lagu qasbo xaalad ka mid ah xaaladaha uu dhibsanayo oo ku abuurayso cillad ku taagan taasoo si tartiib ah loogu booriyo qofka in uu is xakameeyo una adkeysto sida ugu saxsan oo uga jawaabi lahaa cillada maskaxda kaga taagan.
Xanuunnada noocaan ah waxay u baahantahay in aad la kulanto takhtar oo aad la fadhiisato ee in aad internetka kala sheekeysato wax saa u sii weyn kugu saacidi mayso maxaa yeelay xanuunkaan daawentiisu waxay u baahantahay wada fadhiisasho iyo isla dhaqmis.Takhaatiir ku taqasusay cuduradaan waa laga helayaa dalka oo way joogaan inkastoo aysan ku badneyn.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM
Kilyaha waa xubno muhiim ah jirka, qofka bini-aadanka la aantood ma helo karo caafimaad buuxa.
Kilyaha waxay jirka u taraan waxyaabo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin laakiin waxaa ugu muhiimsan kuwaan:
1- Qashi-saarka: kilyaha waxay sameeyaan kaadida iyadoo ay raaciyaan wixii qashin ah oo jirka dhibi kara in ay ka saaraan, caafimaadka wuxuu ku jiraa in qofka qashin-saarka kilyahiisa in ay sarrayso.
2- Isku-dheellitirka dareeraha jirka: Markuu qofku ooman yahay, kaadidiisa way yaraataa, markuu biyo ka dhargane kaadidiisa way badataa, dheecaanka jirka ku jiro waxa uu leeyahay macdan muhiim u ah oo ay kilyaha ka ilaaliyaan in ay kaadida soo raacaan, waana in cabbirka waxyaalahaas aynan is badalin hadduu qofka uu biyo cabo iyo hadduu ooman yahayba.
3- Kontroolidda dhiig-karka: kilyaha waxay ka qeyb qaataan oo muhiim u yihiin sidii cadaadiska dhiiggaaga ay u kontrooli lahaayeen oo waxay ka ilaaliyaan dhiig-karka ama in dhiiggu oo kaco, waxay soo daayaan dheecaanno dhiigga kor u qaadi karo ama hoos u dhigi karo iyadoo ku xiran xaaladda aad ku sugan tahay.
4- Ka hortagga dhiig-yarida: kilyaha waxay kaloo ka qeyb qaataan in dhiigga ay sare u qaadaan iyagoo soo daaya dheecaanno la shaqeeyo dhuuxa lafta si loo soo saaro birta iyo unugyada cas oo jirka u baahan yahay, hadduu qofka ay kilyaha fadhiistaan waxaaa ku dhaco dhiig-yari.
5- Kontroolidda kaalsiyamka, vitamiin d-ga iyo hormoonno kalaba: kilyaha waxay kaloo kontroollaan oo ay jirka u habeeyaan ka faaidaysiga waxyaabo badan oo ay ka mid tahay maadada kaalsiyamka loo yaqaanno oo lafaha dhismahooda ka qeyb qaadato iyo fitamiinada qaar sida vitamiin d-ga oo haddii la waayo uu qofka ku dhici karaan lafo-burbur.
Qof kasta wuxuu ilaahay ku abuuray laba kilyood inkastoo ay dhacdo in dadka qaar ay hal killi ku dhalan karaan, waxayna ku jiraan qeybta feeraha ka hooseyso ee dhinaca dhabarka xigta, meelo kalane way ku jiri kartaa taas oo aan ahayn mid dabiici ah.
haddii labada kilyood mid fadhiisato ama howlgabto, hal mid qofka wuu ku noolaan karaa wayna qaban kartaa howsha midda kale, markuu qofka kilyahiisa ay howl-gabaan macnaheeda waxay tahay labada kilyood ma shaqaynayaan wuxuuna u baahnaanayaa in kilyaha badalkooda mashiin in lagu xiro jirka ka soo saaro qashinka iyo sunta, wuxuuna qofka u baahnaanayaa in kilyahiisa si joogto ah loo dhaqo ama in kilyaha laga badalo.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: Howlgabka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1750.0.html
Halkaane ka akhriso qoraaal ku saabsan kaadi-saarista ama kilyo-dhaqista: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html
Sidaa awgeed ahmiyadda ay kilyaha jirka biniaadanka u leeyihiin iyo halista haddii ay howlgabaan, waxaa muhiim ah in qofka uu ku dadaalo sidii ay kilyahiisa caafimaad buuxa u heli lahaayeen inta uu noolyahay iskane ilaaliyo waxyaabaha halista ah oo dhaawici kara kilyaha.
1- Kilyaha waxa ugu horreeya oo dhaawac gaarsiiya waa fuuq-baxa ama oonka siyaadada ah sidaa darteed waxaa lagula taliyaa qofka in caafimaadka uu ku jiro inuu biyo caadi ah caadaysto siduu u cabi lahaa maalintiiba 8 koob oo biyo ah, weliba isagoo billaabayo subaxa hore.
tani waxaa ka mid ah inuu qofka badsado cunista cunnada ama khudaarta biyaha ku badan tahay sida qaraha, ananaaska, cinabka iyo wixii la mid ah.
2- Midda xigta oo kilyaha wax gaarsiisa waa haddu qofka uu leeyahay xanuun caabuq kilyaha oo uusan qofka iska daaweynin kuna raagay, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html
3- Midda ku xigta waa haddii aad qabtid xanuun kilyaha saameeyo kuwaas oo ugu badan dhiig-karka, sonkorowga, cagaarshowga, wadna xanuunka, taladu waa in aad xakamaysaa xanuunadaas adigoo raaca talooyinka takhtarkaaga, joogtane u qaato daawada laguu qoray, kilyahagaane si joogto ah aad u baartid heerka shaqada ay marayaan iyo in aad halis ugu jirtid in kilyahaaga ay fadhiisan rabaan.
4- Midda ugu dambeyso waa in aad iska ilaalisid in aad qaadatid ama soo gadatid daawo aanan kuu qorin takhtar, daawooyin badan oo waxaa jiro aanan u roonayn kilyaha, weliba qasab ay tahay in laga ilaaliyo dadka qaba xanuunada kilyaha dhaawici kara, fadlan la soco takhtarkaaga, kana fakar in aad daawo halis kilyahaaga ku ahayn aad u qaadan lahayd.
5- Iska ilaali cunista mukhaadaaraatka iyo maandooriyayaasha kilyaha saameeyo sida qaatka, sigaarka, khamriga iyo wixii la halmaalaba.
shantaa talo haddii aad qaadatid waxaad ka badbaadi doontaa ilaahay idinkiisa sababaha ugu waaweyn ee keeni karo howlgabka kilyaha.
haddii aad caafimaad qabtid, sanadkiiba mar iska baar kilyaha adigoo iska qaada dhiig lagu ogaado shaqada kilyaha.
dad badan ayaa si qaldan u fahansan in computer la isi saaro oo uu sheegi karo in kilyaha ay shaqeynayaa, taasi wax ka jiraa ma jiraan, kumbuyuutarka waxuu sheegaa kaiya haddii kilyaha ay nabar ama buro ama barar ay leeyihiin ama dhagax uu ku jiro laakiin inay shaqeynayaa iyo heerka ay marayaan shaqo kuma lahan, taasi safiican u dhuux.
Waxaa jiro talo guud oo ugu dambeysa oo caafimaadka u roon oo ah in aad jimicsi joogto ah samaysid, in cunno isku-dheellitiran aad qaadatid iyo in aad miisaankaaga xakamaysid.
Fadlan badso cunnada faaida u leh kilyaha khaas ahaan kuwa ay ku yartahay maadada bootaasiyamka iyo foosfaytka sida kabbejka, tuunta, basasha, barbarooniga, tuffaaxa, cinabka, qaraha, saliid saytuunka, ukunta qebteeda cad, gallayda iyo kalluunka.
Intaasba waxaa ku jirto maadooyin kilyaha ku caawiyo qashin saarka iyo howlaha kale ay qabato.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH
SOMALI DOCTORS
WWW.somdoc.com
Qomanku waa caabuq cune oo ay keento jeermiska bakteeriyada ama fayras-ka. Bakteeriyadu waxaa faafiya dhibco ku samaysma sanka ama cunaha ee qof qaba bakteeriyada streptococcus. Tani waxay inta badan dhacdaa waqtiga bilaha qaboobaha marka dadku ay guryaha ku wada jiraan. Waxaad caabuqa cunaha ku qaadi kartaa 2-7 maalmood ka dib markaad la joogtay qof qaba cudurka. Waxaa lagu kala qaadi karaa neefsashada ama calyada oo is gaarto.Calaamadaha Quunka:# Qandho ka sarreysa 101° F ama 38 °C # Qar-qaryo ama dhaxan# Cuna xanuun # Liqidda oo ay dhibaato ku timaaddo # Qoorta oo bararta # Kor xanuun iyo kalagoysyo xanuun# Cunnu xumo# Lalabbo ama matagid Qumanka iyo dhinaca danbe ee cunaha ayaa laga yaabaa iney guduud u ekaadaan ama bararaan, oo dhibco caddaan ama jaalle ah oo maal ah yeeshaan. Xaalado dhif ah qaarkood ayaa cudurka quumanka laga yaabaa inuu keeno sun sababta finiinic guduudan oo uu maqaarka jirku yeesho. Finiinicaan waxaa loo yaqaannaa qandhada cas ee ifeysa. Daryeelkaaga Takhtarkaagu wuxuu dhinaca danbe ee cunahaaga ka fiirin doonaa guduudasho, barar, iyo dhibco cad ama jaalle ah. Baaritaan bakteeriyada strept oo deg deg ah ayaa laga yaabaa in la sameeyo iyadoo dheecaan laga qaadayo dhinaca danbe ee cunaha si jeermiska strep looga hubiyo. Natiijooyinku waxay badanaa diyaar ku noqdaan muddo 10 daqiiqadood gudahooda ah.Hadii lagaa helo strept waxaa lagu siin doonaa antibiotik kaniini ah ama cirbid hal mar lagugu duri doono.Hadii quumanku ay noqdaan mid soo noqnoqda oo dhibaato u keena khaas ahaan ilmaha waa laga gooyaa oo qalliin ayaa soo sameeyaa loo yaqaano "Tonsillectomy"
Haddii xanuunka quumanka dhib kugu hayo ama kugu soo laalaabto waxaad kaga hortagi kartaa adigoo subax kasta inta aadan wax cunin ka hor, ku luqluqda biyo kulul oo cusbo leh taas oo ka qeyb qaadanyso in jeermiska ka hortagto oo aadan fursad u siinin inuu quumanka ku tarmo, laakiin haddii aad qandho isku aragtid waxaad u baahanaysaa in aad daawo antibiotic u qaadato.Xanuunka quumanka ee soo laalaabto wuxuu caruurta u keeni karaa in infekshanka u gdubo xubno kale oo jirka sida wadnaha, kalagoysyada ama kilyaha.
Maxaa lagu gartaa ilmaha ku dhasha miisaanka hoose?
Ilmaha ku dhasha miisaan ah 2500 oo graam ama 5½ pounds ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay ilmo miisaan hoose ku dhasha. Miisaanka wanaagsan ama caadiga ahi wuxuu muhiim u yahay ilmaha caafimaadkiisa iyo koritaankiisa.
Hooyada uurka lehi waxay kaga hor tagi kartaa inay dhasho ilmo miisaan hoose iyadoo ilaalisa nafaqadeeda, ka fogaata qiiqa sigaarka iskana dhowrta fakarka faraha badan (stress).
Maxaa Ka Mid ah Waxyaabaha Keeni Kara Inuu Ilmuhu ku Dhasho Miisaan Hoose?
Waxa cilmi baarayaashu muujiyeen ama ay qeexeen in ay sababo badan keeni karaan miisaan hoosaynta ilmaha, sababahaa waxaa kamid ah hooyada uurka leh oo ay ku dhacaan waxaayabahan hoos ku xusan:
• Nafaqo daro
• Wal wal ama walaac (stress)
• Dhaqaalo xumo
• Cidla iyo hooyada oon helin dad ay ku tiirsan tahay oo caawiya
• Hadii ay hooyada uurka lehi sigaar ama khmaro cabto
• Hooyada oo mataanaysa
• Hooyada uurka leh oo ka shaqeeysa shaqo ay taagan tahay
Maxay Miisaan Yaradu ku Keeni Kartaa Ilmaha, Qoyska iyo Bulshada?
• Carruurta dhalata iyagoo miisaan yar ayaa ugu badan carruurta dhimata iyagoon sanad gaarin
• Cuduro farabadan ayaa ku dhaca carruurta ku soo dhalata miisaanka yar
• Carruurta ku soo dhalata miisaanka yar waxay khatar ugu jiraan in ay laxaad beelaan taasoo dhibaatooyin farabadan soo gaarsiin karta
koritaankooda
• Boqolkiiba shan iyo todobaatan (75%) cudurada iyo dhimashada saameysa carruurta yar yar waxaa sababa miisaan yari iyo dhicisnimo
• Qoyska uu u dhasho ilmo culeys yar waxay maraan marxalado caadifadeed oo adg, sababtuna waxaa weeye waxay aad uga walwalaan ilmaha caafimaadkiisa iyo korintaankiisa guud
• Qoyska dhala ilmo aan caafimaadkiisu fiicnayn waxay la kulmaan marxalado adag oo ay ka mid yihiin in dhaqaalohoodu hoos u dhaco.
Maxaad Kaga Hor Tagi Kartaa Inaad Dhashid Ilmo Miisaan Yar?
Carruurta ku dhalata miisaan yaradu way sii kordhaysaa baryahan. Sida kaliya ee lagu yarayn karaana waa in uu qofku helo macluumaad u
sheegaya waxyaabaha keeni kara miisaan yarida ilmaha. Hooyada uurka leh oo la caawiyaa waxay saameyn kartaa bulshada oo dhan. Qodobada soo socda waxay si fudud kuu tusayaan sidii aad u caawin lahayd una war galin lahayd qoyskaaga, dariskaaga iyo asxaabtaada una caawin lahayd sidii ay dumarka uurka lehi isaga ilaalin lahaayeen waxyaabaha keeni kara inay dhalaan ilmo miisaan yar.
Hooyada Uurka Lehi Waa Inay:
• Ogaataa waxyaabaha keena inuu ilmuhu ku dhasho miisaan yar iyo siday uga hor tagi lahayd
• Barato sidii ay u daryeeli lahayd caadifadeeda, iskana ilaaliso wixii u keeni kara walwal iyo walaac (stress)
• Waydiiso deriska in ay ku caawiyaan hawsha guriga iyo carruurta
• Samaysato wakhti ay nasato, hawl adduun madhamaato, u tur naftaada
Kaalinta Aabaha
• Ogow waxyaabaha keeni kara inuu ilmuhu ku dhasho miisaan yari iyo sidii looga hor tagi lahaa
• Baro sida lagu garto calaamaadka sheegaya inay hooyadu dhicin karto
• Kordhi caawimaada aad siiso xaaskaaga markay uurka leedahay
• Isku day inaad ka ilaaliso wixii ku keeni kara wal wal iyo walaac (stress)
• Ka hay carruurta intay nasanayso
• U wehel yeel markay u baxayso inay soo lugayso, ogowna inay u baahantahay jimicsi (exercise)
Kaalinta Asxaabta iyo Dariska
• Waxaad ku caawin kartaa hooyada uurka leh in aad hawsha guriga ama carruurta ka caawiso
• U sheeg inaad diyaar u tahay in aad caawin doonto markay kuu baahato
Waxay dadka intiisa badan rumaysan yihiin
Ilmuhu inuu miisaan yaraado iyo inuu miisaan badnaado ilaahay baa ku shaqo leh, qofna waxba kama qaban karo
Runtu Maxay Tahay
Diinta Islaamku waxay ina faraysaa in aynu daryeelno caafimaadkeena. Waxaa aad u muhiim ah inaad caafimaadkaaga ilaaliso inta aad uurka leedahay si uu ilmahaagu caafimaad ugu soo dhasho. Waxaa muhiim ah in uu ilmuhu ku dhasho miisaan wanaagsan si uu ugu koro caafimaad iyo cudur la’aan. Waa masuuliyad ina saaran, hadaynu nahay dad Muslim ah in aynu barano waxyaabaha keeni kara inuu ilmuhu ku dhasho miisaan yar oo aynu caawinno hooyada uurka leh. Waa inaynu kuligeen ka qayb qaadanaa sidii aynu u hore marin lahayn caafimaadka hooyada iyo ilmaha dhalanaya.
Waxay dadka intiisa badan rumaysan yihiin
In hadday hooyada uurka lehi cunto cunno nafaqo leh uu ilmuhu caloosha ku waynaanayo, taasoo keeni karta in uu ilmuhu soo dhaafi waayo hooyada oo markaa la qalo. Sidaa daraadeed ayay waxay dad badani aaminsan yihiin in ay hooyada u roontahay inay dhasho ilmo miisaan yar.
Runtu Maxay Tahay
Siday dhakhaatiirtu caddeeyeen wax xiriir ah kama dhexeeyo cuntada hooyadu cunto iyo in ilmaha lagu qalo, fooshuna kuma fududaato inuu ilmuhu miisaan yaryahay. Hooyada uurka lehi waa inay cuntaa cunto nafaqo leh oo noocyo badan. Hooyada oo nafaqadeeda ilaalisaa waxay u fiican tahay caafimaadkeeda iyo ilmaha caafimaadkiisa.
Waxay dadka intiisa badan rumaysan yihiin
In aanay dhibaato lahayn in uu ilmuhu miisaan yaryahay markuu dhasho, isla markaana ilmaha
miisaanka yari uu hore u kori og yahay.
Runtu Maxay Tahay
Ilmaha dhasha isagoo miisaan yar wuxuu khatar ugu jiraa caafimaad darro muddo badan dabo socota, taasoo keeni karta dhibaatooyin dhaqaale iyo walwal oo saameeya qoyska iyo bulshada oo dhan. Waxaa kale oo miisaan yaridu keeni kartaa in ay ilmaha noloshiisa khatar gasho, ama uu geeriyoodo.
Waxay dadka intiisa badan rumaysan yihiin
Hooyada uurka lehi uma baahna in ay dhakhtar tagto hadaanu wax xanuun ahi hayn.
Runtu maxay tahay
Waxay hooyadu kaga hor tagi kartaa inay dhasho ilmo miisaan yar iyadoo dhakhtarka u tagta markay ogaato in ay uur leedahay, isla markaana ay had iyo jeer gafin ballanka dhakhtarka ilaa inta ay ilmaha ka dhalayso.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH
Jamashada waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa"Pregnancy Cravings" waa arrin jirta oo haween badani oo uur leh lagu arko laakiin khuraafaad badan iyo waxyaabo aanan jirin oo caado dhaqameed u badan ayaa lagu daray.
Jamashada caadiga ah ee la yaqaano waa in hooyadu ay marka ay uurka leedahay ay jeclaato cunnooyin gooni ah sida jallaatada, barafka, raqayga, liin dhanaanta, isbaandhayska iyo waxyaabo kalaba.
Tani waa arrin jirto oo la dareemi karo, haweenta uurka leh way ka qabanaysaa waxyaabahaas oo iskama celin karto, waana in loo keenaa ama ay raadsato.
Cilmiga caafimaadka ah uma hayo fasiraad lagu fahmi karo sababta ay maskaxda haweenta uurka leh ugu dhagan tahay cunto gooni ah laakiin cilmibaarayaasha qaar ayaa sheego in ay tilmaamayso in hooyadu ay ka maqan tahay waxyaabo nafaqo gooni ah oo laga helaayo cunnooyinkaas qaar, sida haweenka ku waasho in ay cunaan dhuxusha oo la tilmaaamo in ay astaan u tahay dhiig yarida.
Marka waa laga yaabaa wax gooni ah oo cunnadaas ku jirto in ay hooyadu jirkeeda u baahan yahay, waa arrinta ugu dhow ee ay dhakhaatiirtu ku sheegaan laakiin cilmigeeda saxda ah eebbe ayaa og.
Maadaama cunno jamashadu ay tahay wax aanan keeni karin dhibaato caafimaad, hooyadu lagulama taliyo in ay iska dhaafto oo wax dhib ah looma arko.
Laakiin haddii ay hooyadu bilawdo in ay cunto waxyaabo dhibaato u keeni karo iyada ama uurjiifkeeda sida dhuxusha, dhagaxa, jeestada, goomaha, saabuunta, dhoobada iyo wixii la mid ah waa in laga celiyo oo fitamiino iyo iron/bir loogu badalo oo daawo ah haddii ay hooyadu uur leedahay.
Badanaa jamashadaan waxaa la dareemaa bilooyinka hore ee uurka, waxayna soomaalidu u taqaanaa in hooyadu ay ku wallacday cunto gooni ah, wayna kala duwanaan karaan haweenku, qofbaa laga yaabaa in uur kasta uu u baahdo cunno gooni ah, meesha qaar kale ay dhici karto in uurkiiba ay cunno gooni ah ku wallacaan.
Haddii aan u gudbo qeybta kale ee jamashada ee aan raad ku lahayn caafimaadka oo caado iyo khuraafad salka ku hayo waa midda aad tilmaantay oo ah in hooyadu haddii ay jamato wax in loo soo gado oo aan cunno ahayn sida dahab, saacad, dhar iyo wixii la mid ah in fooshu ay dhib noqonayso ama in waxa ay dalbatay in ilmaheedu ku sawirmayo.
Taasi ma ahan wax sax ah ee waa khuraafaat.
Ilmaha ku dhasho barta waa arrin sideeda u jirto waana wax caafimaad ahaan la yaqaano waxaana loo yaqaanaa "birthmark", ka akhriso halkaan qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay waxay ay tahay barta ay caruurta ku dhashaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,760.0.html
Caado dhaqameedkaan waxaan ku arkay wadamo kale oo soomaalida wax u gooni ah ma ahan.
Waxayna ka mid tahay caadooyin badan ee lala xiriiryo uurka sida in hooyada aanan la tusin qorax madoobaad haddii kale ilmo faruuran ayay dhalaysaa iyo wax la mid ah.
Ilmaha qaabka ay u dhashaan iyo iinta ay ku dhashaan waa abuuris ilaahay kuma xirna hooyada wax ay sameysay ama wax aynan samayn intaba.
Caadooyinka noocaan ah ee aan asalka lahayn waxay mararka qaar keeni karaan in ay halis hooyada galiyaan, hadda ka hor hooyo foolan wayday ayaa waxaa la yiri waxay jamatay in ay aragto eeyadeed oo dagan meel tuulo ah, gabadhii ayaa gaari lagula cararay si ay ayeeyadeed u soo aragto si ay foosha ugu sahlanaato, markay ka soo laabatay inta ay jidka ku soo jirtay ayay dhiig baxday markay isbitaalka degmada soo gaartayne cunugii waa ku mayday!!!.
Bulshada hala wacyi galiyo khuraafaatka iyo caado dhaqameedyada caafimaadka iyo diinta u daran.
Waxaan eebe idinkaga rajaynayaa ubad caafimaad qabo.
Waa maxaay hoolgabnimada dhaalmada (Menopause)?
Menopause waa hoolgabnimada dhanka dhalmada ama dhiiga caadada, waa nidaam biological ah oo marwaaliba soo mara dumarkasto ku nool aduunkan aaynu ku noolnahay, waxaa ayuu uu horseeda dumarka in aay isku arkaan caalamadaha xaalada dhalmo la,aan joogta ah, ama dhiiga caadada oo ka istaago, taas oo macnaheeda uu yahay in ay dumarka la soo daristo xaalad ah in aysan dhalaaynin wax caruur ah ama aysan qadaaynin wax uur ah, waxaana lagu ogaan kara xalaadan dumar marka ay la soo dariisto in aay iska waayso wax caado ah in ka badan 12 bilood oo xariir ah.
Inta lagu jiro xaaladan kala wareega ah ee dumarka ay ka wareegan nidaamka dhalmada una wareegan xaalada hoolgabnimada dhanka dhalmada, Ovarieska ama xubnaha sameeyso ugxaanta ama hormoonka dumarka ayaa waxay bilaabayaan in aay joojiyaan soo saarista in ku filan hormoonka dumarka Estrogen iyo Progesterone ama soo saarin ugxaanta dumarka, mar hadii uu hoos uu dhaco horamoonka aan soo sheegnay ee Estrogen iyo Progesterone dumarka waxaay uu horseedeysa in ay wayso dhiiga caadada uu ku dhaco dumarka bil waliba.
Menopuaseka ama hoolgabnimada dhanka dhalmada, xaaladaha ay ku imaan karto waxaa lagu qiyaasa da,da dumarka inta uu dhaxeeyso 45 sano ila iyo 55 sano waa qofba sida uu ilahay ugu maneestay kheyrkiisa. dumarka qaar ayaa ku bilaabo menopuaseka am hoolgabnimada dhanka dhalmada daa,da 40 saano wax ka hooreeyo sida 30 saano iyo wax ka sareeyo,waxaana mardhow la arkay dumar reer yuruub ah oo ku yimid hoolgabnimo ama menopause daa,da 31 saano, tan oo kale waxaa lagu magacaabay hoolgabnimo ka soo hormaartay waqtigeedi ama perimenopuase, waxaana sabaabi kara xaalado kala gadisan waxaa ka miid ah autoimmune disorders oo ah dhiibaato ku dhacdo hab difaaca jiirka binu adeemka, sigaar cabiista ama smoking cigarette waxaa ayaa ku jiro chemico taas oo dhawacda hormoonka dumarka, ama dhaawac gaaro ovarieska xibnaha soo saaro uugxanta ama soo daayo hormoonka dumarka ee Estrogen iyo Progesterone, ama qaliin lagu sameeyay ovarieska ama xuubinta soo saarta hormoonka iyo ugxanta oo laga saaro dumarka taas waa sababi kartaa hoolgabnimo dhanka dhalmada qaasatan qaaliinka loo yaqaano (hysterectomy) oo ah soo saaridda minka.
Hoolgabnimada dhanka dhalmada waa xaalad dabiici ah oo uu qaas ah haweenka oo soo marta qofka dumarka ah noolashoodi marka la gaaro waqtigeeedi ee maahan wax cuduur ah oo laays qaadsiyo, ee laakinse maraarka qaar waxaa sabaabi karo deeganaansho la,aan dhanka maskaxda dumarka oo u horseeda in ay sabaab uu noqoto xaalado badan oo hoos taga daawooyinka loo isticmaalo ku daaweeynta cuduro kale sida chemotherapiga oo sabaabi karo in uu dhibaateeyo hormoonka dumarka.
Heeraarka hoolgabnimada dhanka dhalmada ama stages of menopause.
Dumarka ka soo biloow waqtigii aay gartay in aay ku dhacdo caadada waqtigi ay yareed ilaa ay ka gasho waqtigi hoolgabnimada dhanka dhalmaada, caadiyaan waxay helaan bishiiba mar in aay u timaado dhiiga caadada, haadi laga reebo xilliga uurka aay ku siido ilmaha aan dhalan ama xaalado kale la xariir cuduro qaar ah oo dhib uu keeno in ay wayso caadadi ay heeli jirtay bishiiba mar.
Xiliga ugu horeeyo ee wareega caadada dumarka, Ovarieska ama xibnaha uugxaanta sameeyo ee ku yaalo ilmogaaleenka qeybtiise sare, waxaay soo saran level aad iyo aad uu sareeyo oo ah hormoonka Estrogen, kaas oo u horseeda gudaha darbiga ilmogaleenka oo loo yaqaano endometrium in uu adkaado oo noqdo mid celiya dhaqdhaqaaqa ugxaanta inta ay ka weynanayaan ugxaantas oo ay ka gaarayaan kuwa wax la falgali kara hadi ay la kulmaan manida raga, hadii aysan la kulmin wax manida raga maalinka 14 ee wareega dhiiga caadada dumarka ugxaanta waxaay bilaabayaan in la soo daayo waa farasamo xaga rabaani ah, taas waa mida loo yaqaano ovulotion. Xaaladaas kadib xibnaha sameeyo ugxaanta loo yaqaano ovaries waxaa ay soo saaraysaa level sare oo ah hormoonka Progesteroonka hadii ugxaanta an la kulmin ama helin shahwo rageed oo ay la falgasho levelkii sareeyay ee hormoonka Esterogen iyo Progesterone hoos ayuu uu dhacayaa, hoos u dhacaas waxaa ayuu uu horseedaya in uu jirka iska dibciyo adkaantii uu adkeeynaayey gudaaha derbiga ilmogaleenka taas oo ilaalo u aheed ugxaanta si aysan iskeeda u dareeriin ama dilaaciin, ayaa waxaa bilaabaneyso in ay dillaacan ugxaanti oo ay isu bedelaan dhiiga caadada.
Dumarka marka ay gaaran xiliiga hoolgabnimada, xubnaha sameeyo ugxaanta waxaa ay soo sarayaan level hoose oo ah hormoonka Estrogen, hoos u dhacan hormoonka estrogenka aya waxaa uu horseed u noqoonaya xaalada aan toosneen dhanka dhiiga caadada dumaarka, in mudo ah kadibna waxaa ayuu uu keenay hoolgabnimo joogto ah dhaanka caadada ama dhalmada, in muudo ah ayeey soconaysaa hoosha dhanka hoolgabnimada dhalmada bilooyin iyo sanado inta oo san sii joogto ah u istaagin, heeraarka hoolgabnimada dhanka dhalmada waxaa loo qeybiya ila 3 xaaladood oo kala ah siida soo socoto.
Perimenopause ama hoolgabnimo ka soo hormartay waqtigeedii.
Hoolgabnimada dhalmada dumarka ka soo hormartay waqtigeeda, howsheedu waxaay bilaabanaysaa sanadooyin ka hor inta uusan iimaanin hoolgabnimada joogtada ah waqtigeedi, inta lagu jiro xaaladan soo hormaritaanka dhanka hoolgabnimada, si caadi ah ayeey dumarka u helaan dhiiga caadada, inta lagu jiro xaladahaan soo hormaritaanka waqtigii istaaga dhiiga caadada ama dhalmada, qofta dumarka ah hormoonkeeda waxaa ayuu noqoonaya mid an deganeen mar waxaa ayuu noqoonaya mid levelkiisa sareeyo ama mid levelkiisa hooseeyo taas oo macnaheedu yahay in ovarieska dumarka oo ah xibnaha soo saara hormoonka soo daayo hormoonka estrogen oo level hoose ah, tan ayaa u horseedeysa in ay isku aragto qofta dumarka caalamadaha istaaga dhiiga caadada ama hoolgabnimada dhanka dhalmada,inta lagu jiro waqtigaan oo ah ka soo hormaaritaanka waqtiga istaaga dhiiga caadada ama dhalmaada caalamadaha waa la arkaaya laakiinse qofka dumarka ah waxaay ku qaadan karta muudo ilaa iyo 5 saano iyo wax kabadan howsha hoolgabnimada rasmiga ah, inta lagu jiro mudadaan waa macquul in dumarka saameysay caalaamadaha in ay heelaan ama ay qaadaan uur inta ay ku jiraan xiilaagan kala wareega ah laakinse waa miid aan la hubin.
Menopause ama Hoolgabnimada dhaanka dhaalmada.
Dumarka xaalada hoolgabnimada dhanka dhalmada waxay galayaan marxalada istaaga dhalmada marka ay isku arkaan calaamadaha istaaga dhiiga caadada in muudo 12 bilood ah, marka ay dhamaysoto 12 bilood aysan isku arkiin dhiiga dhaalmada, meesha waxaa ka bilaabanaayo in ovarieska ama xinbaha dumarka ee soo saaro Uugxaanta dumarka in uu istaagay hoowshiisa soo saaritaanka Uugxaanta iyo in xibnaha haweenta ay joojiyeen soo saaritaanka hormoonka dumarka oo kala ah Estrogen iyo Progesterone, hoos uu dhaca hormoonka dumarka ayaa waxa uu ku tusayaa caalamadaha in qofkaan dumarka ah ay gashay marxaladii ka bixitaanka waqtigii dhalmada.
Postmenopuase ama hoolgabnimada ka dib.
Qofka dumarka ah marka ay ka baxdo marxalada dhalmada ayna gasho marxalada hoolgabnimo aya waxaa ku dhaco isbedelo badan oo marba si ku yimaado dhanka jirka haweenka, maxaa yeelay hormoonkeedii oo dhan ayaa baxa oo raaca kaadida ay kaadiso markasto inta ay ku jirto marxalada hoolgabnimada, caalamado ayeey isku arki kartaa oo ka mid ah lafaha oo xanuuna, dhidiid waqtiga ay jiifto habeenkii, kuleel ka soo baxa jirkeeda. iyo calciumka oo jirkeeda ku yaarado iyo Vitamin D. lafaha oo buburku yimaado, wadnaha oo xanuun ku yimaado qofba si ayuu ugu imaanayaa calaamadaha marxaladaan ee hadii aad isku aragtid fadlaan la xariir dhakhtarkaaga.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM
Daryeelka dhalmada ka horreeya waa daryeel caafimaad oo aad heleysid inta aad uurka leedahay. Qorsheyso booqasho dhalmada ka horreysa isla marka ay kula noqoto in aad uur leedahay. Booqashooyinkaan waxay kaa caawinayaan in aad uur caafimaad leh lahaato waxaana lagu ogaan karaa dhibaatooyinka ka hor inta aysankuwo daran kugu noqon adiga ama ilmahaaga. Takhtarkaaga wuxuu dooni doonaa in uu ku arko 4-6 toddobaad ee kastaba mar 6-da bilood ee ugu horreysa ee uurka.Waxaad u baahan doontaa in aad takhtarkaaga aragto in badan waqtiga saddexda bilood ee ugu danbeysa uurka.Haddii aad dhibaatooyin qabto, takhtarku waxaa laga yaabaa in uu rabo in uu ku arko in badan ama baaritaan badan kugu sameeyo.Maxaa laga filayaa Booqashooyinkaaga Dhalmada ka HorreeyaBooqashadaada ugu horreysa waxay noqon doontaa booqashada ugu dheer.Waqtiga booqashadan:• Waxaa lagaa hubinayaa dhererkaaga, miisaanka iyo cadaadiska dhiigga.• Dhiig ayaa lagaa qaadayaa si lagaaga baaro cudur iyo heerar hooseeya ee birta ama feerada. Waxaa lagu weydiin doonaa haddii aad dooneysid in lagaa baaro HIV.• Waxaad u baahan doontaa in aad sambal kaadi ah geyso si looga baaro jeermis, sonkor iyo borotiin.• Waxaa laguu qiyaasi doonaa taariikhda aad dhaleysid, qiyaasta maalinta laga yaabo in uu ilmuhu dhasho.• Waxaa lagu weydiin doonaa su’aalo adiga, lammaanahaaga, qoyskaaga, iyo daawooyinka iyo daawo geedoodka aad qaadato ku saabsan.• Takhtarkaagu wuxuu kugu sameyn doonaa imtixaan jidh ahaaneed oo ay ku jiraan imtixaan sinaha ah oo uu la socdo dariiqada lagaga baadho kansarka ilma galeenka ee pap smear.• Takhtarku wuxuu kuu sheegi doonaa in aad billowdo qaadashada fitamiin leh folic acid dhalmada ka hor.• Ballan u sameyso booqashadaada ku xigta.Marka la joogo booqashooyinka dhalmada ka horreeya oo dhan:• Waxaa lagaa hubinayaa cadaadiska dhiigga, miisaanka, kaadida, iyo caafimaadka guud.• Xaddiga garaaca wadnaha ilmahaaga iyo koritaankiisa ayaa la hubinayaa.• Baaritaanno kale sida baarid dhiig ama ultrasound ayaa laga yaabaa in la sameeyo.• Weydii su'aalo oo la qaybso wixii walaac ah ee adiga naftaada iyo ilmahaaga idinku saabsan.BaaritaannadaWaxaa laga yaabaa in aad marto baaritaannada soo socda:Baaritaanno dhiig si lagaaga baaro:• Nooca dhiigga• Heerka birta• Waraabow• Cagaarshowga ama Jooniska Nooca B (Hepatitis B)• Jadeeco• Baaritaanka Alpha-fetoprotein (AFP)—Baaritaankan waxaa lagu hubinayaa halis korodhtay ee noocyada cilladaha lagu dhasho qaarkood ee ilmahaaga. Waxaa la sameeyaa inta u dhexeysa 15 ilaa 20 toddobaad ee uurka. Haddii natiijada baaritaanku ay sarreyso, baaritaanno badan ayaa la sameyn doonaa.• Baaritaanka Rh factor Baaritaankan waxaa lagu hubiyaa in lagu arkoHaddii Rh-kaagu uu jiro iyo haddii uusan jirin.• HIV Haweenka oo dhan waa in ay tixgeliyaan in dhiigga laga baarayo si looga hubiyo HIV. Hooyooyinku waxay cudurkaan u gudbin karaan ilmahooda waqtiga uurka, foosha iyo naas nuujinta. Natiijooyinka baaritaanku waa qarsoodi.• Dhiig yarida unugga Sikal (Sickel Cell) loo yaqaanno waa lagaa baari doonaa haddii aad halis ugu jirtid.UltrasoundWaxaad ugu yaraan mari doontaa 1 ultrasound waqtiga uurkaaga.Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu sameeyo ultrasoundyo badan si uu u hubiyo koritaanka ama xaaladda ilmaha.AmniocentesisBaaritaankaan waxaa lagu hubiyaa cudur hiddo-side waxaana badanaa la sameeyaa inta u dhexeysa 15 iyo 18 toddobaad ee uurka. Takhtarku wuxuu cirbad gelinayaa caloosha haweeneyda si uu u soo saaro dheecaan xoogaa ah oo yar ee unugyada ilmaha ku hareereysan (amniotic). Dheecaanka waxaa loo dirayaa shaybaar si loo baaro.Baaritaanka u dulqaadashada sonkorta (Glucose tolerance test (GTT))Inta u dhexeysa 24 iyo 28 toddobaad ee uurka, waxaa lagaa baari doonaa sonkor dhiig oo sarreysa ee uurka, oo loo yaqaanno sonkorowga uurka (gestational). Waxaa lagu siin doonaa cabitaan macaan si aad u cabto ka dibna sambal dhiig ah ayaa lagaa qaadi doonaa.Baaritaanka diiqo la'aantaBaaritaankaan wuxuu makiinad gaar ah ku diiwaan gelinayaa xaddiga garaaca wadnaha ilmahaaga. Baaritaankan xanuun ma lahan wuxuuna ku lug leeyahay gaballo sharooto ah oo caloosha lagaaga dhejiyo.Waqti kasta oo uurkaaga ka mid ah, isla markiiba dhakhatarkaaga la xiriir haddii aad:• Xuubkaagu ama kiishka biyuhu dillaaco ama dalooshamo.• Wax dhiig ahi kaa yimaado.• Aad casiraad ama maroojin isku aragto taasoo ku qabanaysa in ka badan 4-6 goor saacad gudeheeda.