Saturday, March 12, 2016

Dhirta dawada leh (Geedo-karis) ma saxbaa in la isku daweyn karo, halkaan ku dhufo.



Waxaan qoraalka idiinka soo gubiyay  Buugg uu qoray nin Somali ah oo la  qoray 1984, waxuu u shaqayn jira  AKADEEMIYADDA CILMIGA IYO FANKA   ee dowladdii hore ee Somali. 
bal  aan is waydiino wax yaala Somaliddu  dawada u isticmaalan, sidda waxa caloosha lagu bixiyo, bahalka qaniinka,kabida qof jabay, baanashada umusha iyo waxa lagu daryeelo, dhiig joojin maxay u isticmaali kareen qaas ahaan dhalmadda, ilko toosin (sida cadayga)
Suaal Muhiim: hadii ay reer galbeedka,Asianka, iyo Arabta naga ii biyaan waxalaha dawadda maxay Somali wax u Qooshi wayday iyanna  ::)

Carmo:
  
waa geed mira yar yar oo la cuni karo leh,oo kuwa bunka u eg,kalka ay geedka ku yaaliin,inta ay bislaan miruhi oo cagaar ka yihiin baa biyo lagu kari yaa,ka dib waa laga miraa,oo la qaboojiyaa inta dacar fal ahaan loo cabin,caleenta carmadda waa la qaliyaa,oo la tumaa, kadib dabqaad dhuxul ah baa lagu shubaa caleentiisa la budeeyay, sida luubaanta,qofka hargabka iyo xumadda haysa ayaa hoosta loo galiyaa dabqaadkii oo caleentii carmadda qaceedii ka dulluumayo,sida fooxa,buste baa la huwiyaa qofka, si uumigu udgoon ee carmadda u diiriyo oogadda qofka. 

Dacarta:


xaskusha bay u eg tahay araga guud,dhulka bannaan iyo balliyadda bay ka baxdaa,aalaaba,caleemo  ballaaran oo buruq iyo dhacaan casi ka buuxa buu leeyahay geedkaas, laf iyo mayrax toona ma leh,marka ay gahayrto laantu hoos ayay laantu hoos bay u godantaa,way engegtaa ka dibna geedka ka godaa,Ubax kali ah oo labo mitir dherer le eg ayaa baa kor uga dhex baxa caleenta dacarta,sida hooto waran, 
ereyga dacar micnihiisu waa calool xanuun, qaras,kharaar, dheecaanka dacarta aad buu qaraar yahay,sidaas la adligeedbaa geedka loogu bixiyaya dacar, 
caleenteeda qalalan dadka duumadda qaba ayaa lagu uumiyaa,waa la tumaa oo budda laga dhigaa,markaas baa biyo lagu daraa oo la miiro, la cabsiiyaa qofka qarasbixinta u baahan,
dacarta waxaa kale oo laga sameeyaa sunta dugaaga lagu laayo, dhecaanka dacarta oo aan biyo lagu barxin baa loo mariyaa hilibka lagu dagayo dugaga.

Galool:


waa geed dheer oo ka baxa dhulka sare iyo godbaha mulaaxa laamaha aan weli gahayrin baa la ruugsiiyaa qofka la dacar falayo,dhacaanka mulaaxa oo macaan dhanaan xigeen ah waa la liqaa,caana geel ama ari ama fuud baan la cabbaa goortu ay caloosho socota ka bacdi,sida ay yiraahdeen dhiryaqanaddu,cunno qalafsan lama siiyo intii beri ama labo bari ah, si ayan caloosha u joojin,.

Jaleelo ama salamako:


waa geed gaaban oo ka baxa dhulka banaan, sida balliyada nugaaleed, xididiisa yar yar baa rujiyaa ama caleenta, qoraxda baa lagu qalijiyaa oo la tumaa,ka dib caano lo'aan ama ari baa lagu  kariyaa oo la qaboojiyaa,si xididdada gufarkoodu weelka salkiisu ugu ururo oo dureeruhu u miirmo,qofka la qaras bixinayo ayaa markaas la cabsiyaa. 

Kulan:


waa  geed dawooyin badan laga sameeyo,oo yaaq ama canjeel u eg,qodxihiisa moyee,caleenta kulanku waligeed ma engento oo waa abaar ku noole geedku, mulaaxadda cad ee laamaha baa biyo lagu kariyaa,sida jeeladda,ka dibna waa la miraa oo la cabaa,miro sida kuwa bunka  u  eg kase waa wayn ayaa ka baxa geedka kulanka.xagaagii buu mireeyaa kulanka, casaan iyo madow isku dhafan weeye midabka miruhu,kolka ay bislaadaan dhuguc guduudan bay korka uga ekedaan, qolof adag  oo beer saliid leh hoosta uga jiro, sida lawka,bay miruhu gudaha ku leeyihiin, miraha bisil biyo baa lagu kariyaa,sonkor ama malab baa lagu daraa, si loo macaaneeyo dhadhanka dureeraha ay qabowdo baa hadba in yar laga cabaa, si loo socodsiiyo caloosha,beerka iyo kelyahana dheef bay siisaa sida ay sheegeen geeda kari yayaalku.

Murcanyo:

waa geed dherer iyo toos uga baxa dhulka sare, miro yar yar oo guduudan kolka ay bisladaan oo la cuno baa ka baxa murcanyadda xidido casaan xigeen ah oo yar yar buu lee yahay geedku, iyagaana la rujiyaa oo la tumaa, oo dhacaankooda bay ku rafaaqaan, sida bunka, nabarka caalinka ah ama markaas cusub ayaa lagu dhejiyaa raqaaqa murcanyahha, oo loo daayaa qorraxadu ha qalijisee, malaxada iyo dhacaanka ayaa  rafaaqu ka soo nugaa nabarka, waan engejiyaa oo sifeeyaa meesha bukta iyo agagaarkeeda. 

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com

Friday, March 11, 2016

Marabtaa inaad noqoto QORAAGA ASBUUCA? NALA WADAAG SHEEKO KU SAABSAN QOF NAAFO AH.


Noosoo gudbi sheeko ama qoraal ku saabsan qof-naafo ah , adigoo xusaya:
1- Taariikhdiisoo kooban ,
2- Waxbarashadiisa,
3- Shaqooyinka ama farsamada cajiibka ah ee uu qabto/qabato.
4- Fariintiisa ( Waxa uu jecelyahay inuu bulshada la wadaago, sida baaaq, codsi ama guubaabin)

FG: Qofkaas wuxuu noqon karaa rag ama dumar , sidoo kale waa inaad isticmaashaa sawirkiisa oo nadiif ah waxaadna noogusoo diri kartaa:
E-mail:  hageproject@gmail.com
ama noogusoo dir facebook.

Haddii aan helno fariintaada waxaan kugusooo bandhigi doonaa page-keena.

NASIIB WANAAGSA, WAXAAN KUU RAJEYNEYNAA INAAD NOQOTO QORAAGA ASBUUCA.

Halkaan ka baro sida la iskaga daweeyo (Agoolka).



Waa maxay Dandruff?
Dandruff waxay basada ku samaysaa toxob badan oo badanaa la dareemo marka la shanlaysanayo.
Unugyada maqaarkeenna waa la cusbooneysii mar waliba oo ay duqoobaan laakiin haddii cusbooneysiinta ay noqoto mid dhakhso ah waxay keeneysaa in la dareemo unugyo badan oo dhinta kadibne loo dareemo toxob ama jirif ahaan oo ka soo daadato basada.

Dandruff-ka waxuuu kaloo ku dhacaa dadka ka shaqeeyo meelo heerkulkooda sarreeyo taasoo keenta in unugyada basada ay dhakhso is badalaan.
Dandruff-ka waxaa kaloo loo yaqaannaa "SCURF" ama caafimaad ahaan "Pityriasis Capitis"

Waxaa kaloo jira cudur loo yaqaanno "Seborrheic Dermatitis" oo ah caabuq ku dhaca maqaarka basada, wuxuuna keenaa in toxob badan uu sameeyo.

Calaamadaha dandruff-ka waxaa ka mid ah toxob cad oo basada saarsaaran ama tinta ku dhegan, basada oo leh cuncucn iyo hanbab.
Xaaladaha dandruff-ka badankood uma baahna in dhakhtar loola tago inkastoo dadka cuncunka siyaadada dareemo oo xoqa basadooda u baahanyihiin in daawo ay raadsadaan.

Maxaa keeno Dandruff-ka?
Waxa si toos ah u keeno dandruff-ka lama garanayo laakiin waxaa la isku waafaqsanyahay in nadaafad xumi aysan lug ku laheen.
Waxyaabaha keeno in dandruff-ka ay bataan ama helis uga dhigo qofka waxaa ka mid ah:
  • Madaxa aan la shanleyn si joogto ah.
  • Dadka xasaasiyad u leh khamiirka.
  • Maqaarka oo qalalan (dadka saliidda aan isticmaalin)
  • Caabuqa basada
  • Isticmaal la'aanta shaambada
  • Cudurrada qaar sida: Parkinson's-ka, Faalijka iyo Kaasaliimka oo yar.
  • Xasaasiyad laga qaado waxyaabaha la marsado tinta
  • Fangaska sida Malassezia oo kale
  • Nafaqo yarida sida Zinc-ga, Fitamiin B iyo dufannada qaar.
  • Diiqada iyo niyad jabka (waxaa la ogaaday in xiriir uu ka naxeeyo)
  • HIV (11% dadka qabo AIDS-ka waxay leeyihiin dandruff)
  • Bidaarta cudurka ee "Alopecia"

Garashada Dandruff-ka?
U ma baahnid dhakhtar si aad u gaatid in aad qabto dandruff, haddii aad leedahay toxob cad oo basadaada ku samaysantay ayaa kugu filan.
Haddii aad u baahantahay in aad dhakhtar aaddo horay u soo qaad haddii ay jiraan waxyaabo cusub oo aad bilawday in aad timaha marsato.

Maxaa lagu daaweeyaa Dandruff-ka?
Laba shay ayaa muhiim ah in la ogaado marka aad iska daaweyneyso dandruff-ka: 
1) da'daada iyo 2) heerka dandruff-kaaga.
Waxaa lagu daaweeyaa shaambooyin loogu tala galay ka hortagga iyo daaweynta dandruff-ka umana baahnid rijeeto si aad u soo gadato.
Waxaa kaloo jira shaambooyin ka hortaga dandruff-ka uu keeno fangaska.
Haddii shaambooyinka waxba iskaga garan weydo waa inaad la xiriirtaa dhakhtar si loo ogaado waxa keenay dandruff-kaaga.
Haddii ay la socdaan timaha oo khafiif ah ama daato, qoraalkaan akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,687.0.html

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com

Infakshanka / Caabuqa Kaadi Mareenka (Urinary Tract Infection)





Cudurka caabuqa kaadi mareenka, oo loo yaqaanno Urnary Tract Infection (UTI), waa cudurka kaadi haysta ama kelyaha.

Maxaa keeno caabuqa kaadi-mareenka?
Caabuqa kaad mareenka waxaa laga yaabaa iney keenaan jeermisyada ka yimaada:
# Kaadi ku harta kaadi haystaada marka aad kaadiso ka dib
# Xannibaad kellida ka dhex jirta ama dhagxaan kellida gala
# Lur ka yimaada suun isku dhuujin, nigis layloon ah ama galmo
# Nadaafad darro
# Tubbo la is geliyo / Kateetar (Catheter) si ay kaadida u soo saarto.
# Saxaro gaartay cawradaada.

Waa maxay caalamadaha lagu garto?
# Gubasho ama xanuun marka la kaadinayo
# Qandho leh qarqaryo ama dhaxan.
# Kaadi badnaan ama si lama filaan ah qofka u qabato.
# Kaadi dhiig leh, daruur oo kale ah, ama ur xooggan leh.
# Xanuun dhabarka qaybta hoose ah iyo daqnasho bisqenlayda ah.
# Daal dareemid ama jirrasho

Sidee loo baaraa?
Takhtarkaagu wuxuu kuu diri doonaa baaris kaadi, kadb waxaa la ogaan karaa in infekshan ku hayo iyo heerka uu gaarsiisan yahay, marmarka qaar, waxaa dhici karto in takhtarkaagu kuu diro beeris kaadi si loo ogaado, infakshanka bakteeriyada kuu keentay nooceeda iyo daawada wax ka tari karta. (badanaa waxaa midaan dambe la sameeyaa markii caabuqa kaadi mareenka uu kaa bxi diido ama kugu soo laalaabto).

Sidee loo daaweeyaa?
Takhtarkaaga u sheeg calaamadahaaga. Daaweyntaada waxaa ka mid noqon kara:
# Cabidda ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalin kasta.
# Ka fogaanshada cabitaannada kafeyiintu ku jirto, sida qaxwada, shaaha iyo cabitaannada fudud.
# Antibiyootik qaadasho. Antibiyootikada oo dhan u qaado sida lagu amray ilaa ay dhaladu ka dhammaato. Haddii aadan daawada oo dhan wada qaadannin, cudurku wuu kugu soo noqon karaa ama wuu ka sii dari karaa.

Siyaabahee looga Hortagi karaa?
# Nadiifi cawradaada.
# Kaadi haystaada faaruqi dhowrkii saacadood ee kasta xataa haddii aadan dareensaneyn iney buuxdo.
# Haweeenku waa iney mar walba cawradooda biyaha horey ka soo raaciyaan oo gadaal u raaciyaan markay musqusha aadaan ka dib.
# Bannee kaadi haystaada galmada ka hor iyo ka dib.
# Xiro nigis suuf ah iyo surwaal dabacsan.
# Cab 8-10 koob oo cabitaan ah maalintiiba. Ku darso cabitaannada ay ku badan Fitamiin C, sida burtuqaalka ama casiirka karamberriga.
# Ka fogow aalkolo iyo cuntooyin iyo cabitaanno kaafeyn leh.

Aad takhtarkaaga haddii:
# Aad isku aragto calaamadaha caabuqa kaadi-mareenka kor ku xusan.
# Aad isku aragto lalabbo ama matagid.
# Aad isku aragto dhabar xanuun (wareeg xanuun)
# Ay dhibaato kaa haysato daawooyinkaaga
# Aadan daaweynta kaga soo raynin muddo 48 saacadood ama calaamadahaagu ay kaga sii daraan 24 saacadood.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com

Thursday, March 10, 2016

Xanuunka Kala-goosyada lafaha





Xanuun aad ka dareento kalagoysyada ma ahan wax murqaha la xiriiro haddii aad leedahay shanqar, xanuun daqnasho leh markaa dhaqaaqdo ama kalagoyska aad dhaqdhaqaajiso, waxaana keeni karo xanuun kalagoyska noocuu rabo ha noqdo, ama cillad lafaha, seedaha ama ruugagga ah.

Xanuun roomaatiisam ama riix ah ama cillad dhareerka kala goyska ku jiro.

Lafo beel ama maadada kalsiyamta ama fitamiin d-ga oo ku gu yar.

Sidaa darteed waxaad u baahan tahay in lagugu sameeyo baaritaano lagu kala hubsanaayo xanuunadaas.

Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan jilba xanuunka iyo kla goysyada, si aad fikrad uga qaadato.
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html

Midda ku saabsan xanuunka naaska bidix, ma markaa jiifsatid ayaa dareemaysaa mise adigoo fadhiya xitaa haddii la dhaafo xilligii hurdada? Hurdo miyaa ku hayso mise waad soo jeedaa marka lagu qabanayo? Miisaankaaga ma culus yahay? Dhiig kar? Kolestarool ama xanuun thyroid miyaa qabtaa? mise lagaa baaray dhawaantaan?

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

Waxyaabaha sababa Koolbo-aaryada iyo sida ugu sahlan ee aad iskaga daweyn karto



Xanuunka aad tilmaantay sida aad u dareentay ayuu u jiraa laakiin ma ahan hawo feeraha gashay oo ku dhex dhaqdhaqaaqayso inkastoo sida qofka u dareemayo ay sidaas u eg tahay iyo sida ay ku billaabataba oo ah qofka oo ay ku dhacdo dabeel qabow isagoo kulul.

Koolba-aaryo xanuunka ay soomaalida u taqaano asakiisu waa af-talyaani markii la tarjumane waxay noqonaysaa "hawa qabow", waa nooc ka mid ah infekshanka galo feeraha, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa "Pleurisy" wuxuuna asiibaa xuubka ama dahaarka ku harayraysan sanbabka ee loo yaqaanno "Pleura" wuuna ka duwan yahay cudurka oofwareenka ama niyuumooniyada oo iyadu sambabka ku dhacdo.

"Pleurisy" waa caabuq ku dhaca xuubka sambabka oo ah laba dahaar oo aad u khafiif ah, xanuuno badan ayaa saameyn kara xuubabkaas oo ay ka mid tahay tiibishada, markaasne waxaa galo biyo inta u dhaxeysa labada xuub, waana laga miiraa qofka.



Qofka markuu dabeel qabow ku dhacdo waxaa dhaawac gaaro neerfaha quudiyo dahaarka sambabada, isagaa keeno xanuun qofka naqaska ku dhagayo khaas ahaan markuu qufaco ama neef jiido ama hindhiso ama dhaqdhaqaaq sameeyo, intaasne waa waxyaabaha sambabada dhaqdhaqaajiyo.

Sababta loo dareemayo maxay tahay?
Sambabka markuu dhaqaaqo ama is ballaariyo wuxaa is taabanayo oo is xoqoyo dahaarkii ku hareereesnaa sambabada qofkane wuxuu dareemaa xanuun siyaado ah oo qofka neefta isku celinayo maadaama dahaarka sambabka uu leeyaha neerfo aada u badan.

Marka ugu horreyso qofka wuxuu u baahan yahay xanuun baa'biye ka dajiya hambabka ma hurka hayo, kadibne antibiotic ayaa la siiyaa muddo toddobaad ah, qofka wuu ka baxaa xanuunkaan badanaa laakiin way jiraan dad uu ku soo laalaabto.

Waxaa muhiim ah inta aadan is dhihin xanuunkaan waad qabtaa in aad hubisid xanuuno kale oo badan oo u ekaan karo sida oofwareenta, qaaxada, wadna qabadka, gaastirikada iyo kuwa kalaba.

Marka qofka way ka bixi kartaa infekshanka laakiin dhaawac neerfaha gaaray ee sambabka wuu daba dheeraan karaa, daaweyntiisuna waa in aad samaysid wax loo yaqaano "Chest physiotherapy" oo ah jimicsi loogu talagalay feeraha iyo sambabada inkastoo buugaagta aysan ku qorneyn in jimicsiga noocaan ahi lagu daaweeyo koolba-aaryada laakiin waa wax tijaabo lagu arkay oo takhaatiirta qaar ay adeegsadaan, xanuun baa'biyaha waa xal ku meel gaar ah.

Badanaa qofka xanuunkaan ka cabanayo, baaritaananda waxba laguma arko sida dhiigga iyo raajada oo kale, tan ayaa keenta in bukaanka iyo takhtarka isku wareeraan, khaas ahaan markuu qofka xanuunsan uu aaminsan yahay in hawo feeraha uga aruurtay oo ku dhex wareeganayso, takhtarkane uu dhaho hawo feeraha gasho ma jirto!!.

Talooyin:
1- Iska ilaali in aad hawo qabow isku dhigtid adigoo dhididsan ama dhar khafiif ah wata.
2- Roob ha u bixin haddii uu naxan uu wato.
3- Darbi ha ku tiirsanin qabow adigoo feero qaawan ama dhar khafiif ah xiran.
4- Adigoo kulul ha isku dhigin mukayyaf.
5- Haddii aad qubaysatid is qallaji inta aadan banaanka u soo bixin.
5- Marka ugu horreyso aa dareentid xanuunkaan la xiriir takhtar si uusan kuugu daahin.

Midda ku saabsan in xanuunka uu wareego qoorta ma madaxa uu galo taasi ma ahan mid sax ah oo jirto.

Fadlan halkaan ka akhriso xanuunada u ekaan karo koolba-aaryada: 
1- Murqo-Xanuun
2- Koolba-aaryo
3- Wadna-Xanuun
4- Wadne-Qabad
5- Gaastiriko
6- Oofwareen
7- Qaaxo / Tiibisho
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM

Friday, March 4, 2016

Su'aal: Xilliga uurka iyo Haweenayda Shaqayso?

Qoraalkeenu wuxuu ku saabsan talo iyo tusaale ku socdo hooyada uurka leh oo hadane shaqaysato.

Marka su'aashu waxay tahay: Sidee haweentu u shaqaysan kartaa iyadoo shaqadaas aysan saamayn ku yeelan nafteeda iyo uurjiifkeeda?

Inkastoo haweentu marka ay uur leedahay u baahan tahay in ay hesho nafaqo iyo nasiino ku filan caafimaadkeeda iyo korriimada uurjiifkeeda, laakiin waxaa jiro hooyooyin shaq u kallaha subax kasta oo ay dhici karto in ay caruur kale biil u raadiso.

Dhibaatooyinka ugu badan hooyadu waxay dareentaa 3-da bil ee ugu horrayso iyo 3-da bil ee ugu dambayso.

3-da bil ee ugu horrayso waxay hooyadu tacbaan la noqon kartaa wallaca, halkaan ka akhriso talooyin ku saabsan la tacaalidda wallaca:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,200.0.html

Waxay hooyadu dareemi doontaa daal iyo tabardarri aysan horay u lahayn, tan in aad la yaabtid ma ahan maadaama jirkaagu uusan awood buuxda u lahayn inuu bixiyo tamartii aad horay u bixin jirtay inta aadan uur yeelay, waxaana hooyada lagula taliyaa in ay cunto cunnooyin ka buuxaan birta si dhiig yari aysan ugu dhicin, Akhriso cunnooyinka laga helo birta:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html

Waa in aad qaadataa waqtiyo kooban oo nasasho ah, isku day in aad fadhiisato meel aan buuq lahayn, iftiinkuna ku yaryahay, kabaha iska siib, cagaha meel saaro haddii aad awoodid, arrintaan waxay ku siin doontaa awood dheeraad ah.

Ku dadaal cabista biyaha badan, maadaama cadaadiska dhiigaagu uu hoos u dhici karo markaa uurka leedahay oo aadna shaqaysatid.

Waa in aad heshaa inta u dahxayso 7 illaa 9 saacadood oo hurdo ah si aad subaxii u soo toostid adigoo firfircoon oo awood u leh shaqada aad u socoto, sidaa darted, hooyada shaqaysato waa in ay hurudaa waqti hore habeenkii, marka aad jiifanayso cajirradaada kala dhexyadooda barkin gasho, tani waxay ku siin doontaa hurdo aadan ka soo toosin.

Hooyada uurka leh waa in ay qofka u shaqeeso ogaysiisaa in ay uur leedahay markii ay ka gudubto sadax bil ee hore, si qofkaas ugu turo una ogaado in aad uur leedahay, haddii aad dalbatid nasiino ama fasax dheeraad ah, tan waxay kaa cawinaysaa in niyada ay kuu dagan tahay mar walba.

Iska ilaali fadhiga iyo istaaga badan, samay lugo baxsi iyo dhaqdhaqaaq, dhakhtarkaaga kala tasho meesha aad ka shaqaysid iyo howsha aad qabatid haddii ay saamayn ku leedahay caafimaadkaaga.

Waxaa hooyada lagula taliyaa in ay fasax qaadato markii bil ay ka dhimantahay foosheeda si ay isugu diyaariso xaaladda foosha, waana muhiim in aad dhakhtarkaaga uurka toos ula xiriiri jirtay uurka aad ku shaqaynaysay.

Haddii hooyada aysan iska taxadarin oo shaqadeeda kala habaysan, caafimaadkeedane aysan ka fakarin, shaqada waxay saamayn kartaa hooyada uurka leh caafimaad ahaan iyo uurjiifka oo korriinkiisa saamayn ku imaan karto, sida dhiigyarida, miis yarida, dhicisoobidda iyo xanuuno kalaba.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.somdoc.com