waxa si toosa iigu kiciyo ma jiraan laakin wuxu aad iigu badanyahay xiliyada qaboobaha ma jiraan wax xanuuna oo kale oo aan qabaa , iyo wax daawooyin ah toona hurdadaydu way wacantahay hurdo igu filan Ayaan seexda dhib kuma qabo ,baaritaanada aan maray waxa ka mid ah sawiro X-ray madaxa iyo qoorta layga qaday iyo qaar xaga murqaha ah iyo dhabarka baadhitaanka X-Ray ga ah waxba ma qabtid ayaya dhaheen markaa kuwa murqaha ee wax duuga ayay ii dirin qolo khaas ku ar qoorta iyo dhabarka kuwaasi waxay yidhaahdeen qoorta dhinaca midig ta ah ayaa muruqu adkaatay taasaa keentay madax xanuunka 8 jeer ayaya yidhaahdeen walagu duugaya markaan dhamaystayna wax isbadala mahayo waa sidii uun , waxyaalah aanan marka hore kuu sheegin ee aan qabo waxa ka mid ah wareer mararka qaar kood aan dareemo khasatan hadaan kubad ciyaaro hadaan ordo iyo wixi la mid ah , wax nabar wayn ah oo iga gaadhay ma jiro marka laga reebo dakhar yar oo yaraantaydii madaxa iga gadhay . Mudadaa shanta sano ah wakhti aan ka ladnaa ama uu yara way jirtay laakin wakhti aanan daraamini ma jirin, mar walba iyo saacad walba madaxu sidii wax mashquula ayuu guuxaya , waxaan doonaya inaan kaaga mahad celiyo jawaabtaada in badan ayaad mahadsantihiin walaal
wixi kale ee suaalo ahna waad isoo waydiin karta walaal thnx

Way dhici kartaa in xanuunka uu a yimaado murqaha giigsan, laakiin waxaa kugula talin lahaa in baaritaan lagugu sameeyo, sababtoo ah, raajada (x-ray) badanaa seedaha margiyada qoorta warbixin fiican kama bixiso marka in lagaa saaro scan sida MRI oo kale.
Mida xigta maadaama aad tiri dhagaha guux ayaan ka dareemaa, markuu madaxa i xanuunayo iyadane in aad kala xiriirtid takhtar E.N.T oo ku taqasusay dhagaha, sanka iyo dhuunta, maxaa yeelay haddii xanuun ka jiro dhagaha, calaamadaha aad sheegaysid way yeelan kartaa.
Waxaa intaa sii dheer, calaamadaha aad dareemeyso sida murqaha giigsan, madax xanuunka muddada dheer ku soo hayay wuxuu ka imaan karo haddii ay jiraan welwel iyo stress, oo badanaa madax xanuunka noocaas ah waxaa lagu daaweeyaa daawo nafsi ah oo qofka dajisa, badanaana waxaa la arkay in madax xanuunka uu ka tago.
Ugu dambayn, taladayda waa in aad ku laabatid takhtarkaagii hore oo aad u sheegtid wax isbaal ah inaadan ku dareemin jimicsigii iyo haddii aad u baahan tahay baaritaanno dheeraad ah, haddii aad isleedahay takhaatiir kale ayaan u tagayaa iyadane waa fikrad kale, laakiin waxaad ku dadaashaa markaa takhtar u tagaysid in warbixintaada oo dhameestiran iyo madax xanuunkaaga heerarka uu soo maray muddoyinkii aad xanuunsaneyd oo dhan iyo wixii takhaatiirtii hore kugula taliyeen u sheeg oo al wadaag warbixintaas, waxay takhtar ka caawinaysaa inuu baaritaano iyo qaaban ka duwan takhaatiirtii hore kugu dayo.
Caafimaad ayaan kuu rajaynaynaa.

FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI-DOCTORS
WWW.SOMDOC.COM
No comments:
Post a Comment